Gabadh Yar oo Reer Hargeysa ah oo ka soo Badbaaday Sixiroolayaal Qafaashay

0
285

Hargeysa (Dawan)- Raxma Cabdi Muxumed oo ah gabadh yar oo dhallinyaro oo kum nool magaalada Hargeysa, ayaa faahfaahin ka bixisay qaabkii ay uga soo badbaaday dad sixirooleyaal ah oo qafaashay iyo qaabkii loo kaxaystay.

Raxma waxa ay sharaxaad ka bixisay qaabkii ay qisadani ugu dhacday iyo sidii loo kaxaystay iyo ciddii qafaafalatay;“Anigoo gurigayaga jooga oo dhar meydhaya ayay gabadhi ii timid, waxaanay igu tidhi waxaan ahay gabadh masaakiinna oo baahan garabka ayay iga taabatay, waxaanan ku idhi hooyo dadkii masuulka guriga ka ahaa waa ay ka maqan yihiin, wax la cunaana guriga nooma yaalaan, intaas ka dib waxaan u soo daray sufur bariisa markii aan u dhiibeyna dareenkeygu waa uu is beddaley oo xataa dharkii yaalay guriga ayaan bac ugu soo gurey aniguna  xijaab qoyan ayaan soo gashaday waanan daba-galey oo raacay,”ayay tidhi Raxma oo da’deedu tahay 15 jir.

 

Waxa kaloo ay   ka sheekeysay qisadii ka qabsatay gurigii la geeyay iyo markii danbe sidii ay ku soo badbaday waxaanay tidhi,  “Waxaannu fuulay gaadhi Noah ah oo ay saaran yihiin qof dumara iyo afar nin, intaas ka dibna guri ayay I geeyeen oo waxa ay fureen mid ka mida qolalkii guriga, waxaana  guriga ugu tagay oo ku jiray laba hablood oo koomo ku jiray islamarkana miyirkoodu maqanaa, kaanoolena ku xidhan yahay, anigana  way I fadhiisiyeen oo dhiiga ayay iga qaadeen.”

 

“Intaasi ka dib gurigii ayay naga qaadeen aniga iyo islaantii waxaanay nagu dajiyeen kaalinta Ina-gaafane agteeda ee galbeedka Hargeysa, intaanan gaadhin gurigii nalagu waday waxaanay nagu yidhaaheen soo lugeeya, kadibna miyirkeygii ayaa soo noqday, dabadeedna wax baan kala gartay oo waan baxsaday oo xaafad ayaan ka galey, xaafadii ayaan isu sheegay oo anigana i garatay xaafadii ayaan sidii ku joogay oo ay xaafadayadiina iigu timid,” ayay tidhi Raxma Cabdi Muxumed oo u waramaysay Telefiishanka Star Tv, oo ku booqday guriga ay ka dagan yihiin magaalada Hargeysa.

 

Cabdiraxmaan Muxumed Odowaa oo ka mida ehelada gabadhan yar ee la sixraym ayaa isaguna faahfaahin ka bixiyay talaabadii ay qaadeen kadib markii ay waayeen aragtidii intantaas yar, waxaanu yidhi “Waxaanu u tagnay saldhiga Ibraahim Kood-buur waxaanu ku nidhi shirkada isgaadhsiinta ee Telesom-ta waraaq noogu qor si naloogu hago mobilkeeda iyado aanay wali noo suuragalin waraaqdii aanu u qoraneynay shirkada isgaadhsiinta ee Telesom ayuu nasiib wanaag nin nala soo hadlay, waxaanu noo sheegay in uu hayo inantayadii, guriga uu ku hayaana ay tahay iskuulka Amaano la yidhaaho ee galbeedka magaalada Hargeysa.”

 

“Waxaannu  ugu tagnay iyaga oo inantii iyo islaantii kaxeysatay ee sixirtayba gacanta ku haya. waxaanu noo sheegay in islaantu ay tidhi anigaa dhalay. islaantuna waxa ay ku hadlaysay lahjadii reer Xamar-ka, waana islaan May-may-ah inantiina waanu soo qaadnay oo Ilaahay baa noo soo badbaadiyay, islaantiina waxa ay ku xidhan tahay xarunta CID-da, gabadhayadan yarna  warbixin ayay ka qoreen, waxaanay noo sheegeen maanta (shalay) Jimce ayay noqotey ee inay kiiskan baadhitaankiisa sii wadayaan. sidoo kale inantu waxa ay noo sheegtay in guri aan kaba fogeyn koodan oo ku yaala Kood-buur oo bangalo ah oo dhakhaatiir caafimaad ay joogaan la geeyay arrintanina waa arrin khatara meel  ha looga soo wada jeesto sidii arrintan wax looga qaban lahaa. dadka guryaha kireynayaana waxaan u soo jeedinayaa in dadka ay guryaha ka kireynayaan ay iska hubiyaan,”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Muxumed.

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply