Telefishanka BBC-da oo Baahiyay Faa’iidooyinka Dhaqaale ee Somaliland ugu Jira Saldhiga Imaaraadka

0
281

London(Dawan)- “Faa’iidooyin badan ayey Somaliland ka heli doontaa heshiiska ay saldhig Millateri kaga siisay dawladda Imaaraadka Carabta magaalada Berbera,” sidaa waxa lagu sheegay warbixin lagu baahiyey Telefishanka  BBC-da.

Warbixin kooban oo telefishanka BBC, laantiisa Af Ingiriisku baahisay doraad, una muuqda mid hay’adda BBC ku soo celinayso kalsoonideedii shacabka iyo xukuumadda Somaliland, maadaama marar kala duwan lagu eedeeyey inaanay dhex ka ahayn baahinteeda  ayaa lagu bilaabay:

“Waddamadda xiisaynaya inay saldhigyo millateri ka samaystaan Geeska Afrika, ayaa badii doortay dalka Jabuuti, maadama ay noqotay wadan nabdoon oo ku yaal gobol qalalaase ku jira. Waddmo ay ka mid yihiin Japan, Maraykanka, Faransiiska, Shiinaha, iyo Sacuudiga oo dhowaan yimmi.

Wadanka Imaaraadka Carabta oo wakhtigan ku soo biiray Geeska Afrika, ayaa doortay dalka Somaliland, oo ilaa wakhtigan ku guulaysatay inay ka badbaado halista argagxisada Al-Shabaab, ee ka dagaalama Soomaaliya.

Somaliland ayaa ku dedaalaysa inay isugu-dhigto caalamka jasiiradii xasiloonida. Heshiiskan ayey wadanka Imaaraadka carabtu tababar siin doonaan ciidammada millatariga Somaliland,”ayuu Telefishanku ku sheegay warkiisa, waxaanu intaas ku kabay; “Heshiiska saldhiga Imaaraadka ayaa abuuri doona jawi ay ku badbaadaan dhammaan maraakiibta  adeegsanaya gacanka carbeed

“Faa’iidooyin badan ayey Somaliland ka heli doontaa heshiiska ay saldhig Millateri kaga siisay dawladda Imaaraadka Carabta magaalada Berbera. ballaadhinta dekeda Berbera, ayaa la filayaa inuu Somaliland dhaqaalaheedu ku kobco, maadaama ay adeegsanayaan dalka dhinaca badda ka oodan ee Itoobiya.”

Warbixintan oo dhinaca kale lagaga hadlay caqabadaha ku iman kara heshiiska saldhiga Somaliland la gashay dalka Imaaraadka carabta ayaa lagu yidhi, “Laakiin, waxa jira in dalalka gobolka qaarkood aanay jeclayn heshiiska saldhiga. Saldhigan ciidamada ee Somaliland martigelisay ayaa iftiiminaya tartan ku abuuri doona dalka Jabuuti.

Inkastoo warbixinta telefishanka BBC, laanteeda Af Ingiriiska kaga hadashay xaqiiqada ku xeeran faa’iidooyinka saldhiga millatari ee Imaaraadku ku yeeshay magaalada Berbera ku soo kordhin karo dhinac dhaqaale iyo dhinaca siyaasadaba.

.

Warbixintan ayaa gunaanadkeedii lagu sheegay in wakhtigan Somaliland u muuqato goob martigelin karta ciidammada ajaanibka ee Geeska Afrika xiisaynaya.

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply