“Ma haboona in Maraykanka laga Nukliyeer bato” Donald Trump

0
326

Madaxweynaha cusub ee dalka maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in aanay haboonayn in dalkiisa Maraykanka lagaga horreeyo hubka sida aadka ah wax u gumaada ee casriga ah ee lagu magacaabo Nukliyeer ka.

Trump hadalkiisii ugu horreeyay ee uu ku soo qaado hubka nukliyeerka tan iyo intii uu xafiiska la wareegay, ayaa madaxweynaha Maraykanku wuxu ku sheegay in uu doonayo in Maraykanku kordhiyo saanadiisa Nukliyeerka.

Trump wuxu sheegay in ay fiicnaan lahayd in aan dalna hub Nukliyeer ah yeelan laakiin hadii ay dhici wayday ay tahay in Maraykanku ugu awood bato. waxaanu sidaasi u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters isaga oo tilmaamay in Maraykanku hoos uga dhacay heerkii ku haboonaa ee awoodiisa Nukliyeerka”.

 

Dadka dhaliila haysashada saanadda Nukliyeerka ayaa sheegay in Maraykanka iyo Ruushku ay markooda horaba haystaan hub Nukliyeer ah oo ku filan oo aan cidba ugu dhacayn.

Urur dhex dhexaad ah oo Maraykan ah lana yidhaahdo Arms Control Association oo ka shaqeeya xakamadaynta hubka, ayaa sheegay in Maraykanku haysto 6,800 qunbuladood oo Nukliyeer ah halka Ruushkuna haysto 7,000 qunbuladood.

Trump oo waraysi dhinacyo badan taabanaya oo uu siiyey Reuters ayuu ku yidhi “anigu waxaan ahay qofka keliya ee jeclaan lahaa in aan cidina hub Nukliyeer ah samaysan, laakiin ma doonayo in dal kale naga hub bato xataa haduu yahay wadan aanu saaxiib nahay. In Nukliyeerka nalagaga dheereeyo ma doonayno.

 

 

 

Leave a Reply