Khubaro u dhalatay wadanka Jarmalka ayaa daraasad ay dhowaan sameeyeen waxay ku sheegeen in ay ogaadeen inuu wadnuhu lee yahay qayb u sahasha inuu wax urin karo, kaas oo aad uga duwan habka sanku wax u uriyo.
Khubaradan Jarmalka ah oo ka socotay xarumo cilmi baadhiseed oo ku kala yaala magaalooyinka Munich ,Bonn, Tubingen iyo Cologne ayaa sheegay in daarasadan intii ay ku jireen ay ku ogaadeen in wadnuhu uu lee yahay qayb si gaar ah wax u urisa , taas oo keenta inuu iska daweeyo xanuuno badan oo waxyeelo u geysan lahaa hadaan qaybtaasi jirin.
Daraasadan oo hordhaceeda lagu daabacay wargeyska Telegraph oo uu kazoo xigtay wargeyska Dawan ayaa lagu sheegay in qaybtaasi wadnaha kamidka ahi ay soo dayso Fatty Acid-dha dheecaanka loo yaqaano qayb kamid ah , taas oo u sahasha inuu uriyo wadnuhu xanuunadaasi.
Xanuunada uu urin karo ayay khubaradani ku sheegeen inuu kamid yahay Macaanka dhiiga raaca , kaas oo haddii uu wadnaha gaadho qofkaasi si fudud u dili kara, waxaanay intaasi ku dareen in uu iska caabiyo xanuunkaasi wadnuhu kadib marka uu uriyo.
Marka uu wadnuhu uriyo xanuunadan ayay khubaradani sheegeen inuu yareeyo garaaca badan ee uu sameeyo, isaga oo qaybo badan oo garaacaasi kamid ah u bedela difaac ama xaalad difaac.
Khubaradan ayaa sheegay in daraasadani ay ka caawin karto khubarada Physics-ka inay soo saaraan dawo lagu daweyn karo xanuunka macaanka, iyaga oo isticmaalaaya dheecaanada uu wadnuhu kula dagaalamo xanuunkan.
Daraasadan ayaa lagu sheegay in ilaa 8 million oo reer Jarmal ahi la ildaran yihiin xanuunka macaanka , taasina ay tahay ta keenaysa inay khubarada Physics-ku ka faa’idaystaan fursadan oo dawooyin soo saaraan daweyn kara xanuunkan.