Waxa wadanka Chine ka shaqo galay askarigii ugu horeeyey ee Robot ah, kaas oo u samaysan qaab ka duwan qaababka Robot-yada kale lagu yaqaano , gaar ahaana qaabka dadka oo kale.
Robot-kan ayaa ka hawl galay xarun tareenada ah oo ku taala magaalada Zhengzhou oo ka tirsan gobolka Henan ee wadankaasi Shiinaha.
Qalabkan ayaa ayaan lahayn wax lugo ah , isaga oo ku shaqaynaaya ama ku soconaaya taayiro yar yar oo xaga hoose kaga yaala, waxaanu awood u lee yahay inuu garto wejiyadda dadka oo uu u sawiranaayo si kedis ah.
Waxa kale oo uu awood u lee yahay inuu ka jawaabo su’aalaha la weydiiyo nooc walba ha noqdaane, iyada oo lagu shubay Program ka caawinaaya inuu ka jawaabi karo su’aalahaasi, waxa uu sidoo kalena cabiri karayaa heer kulka hawada, isaga oo digniino bixinaaya haddii dab dhasho oo kale.
Waxa uu iminka qalabkani marayaa tijaabadii ugu dambaysay, iyada oo la keenay uuna si toosa uga shaqaynaayo xaruntaasi tareenada.
Masuuliyiinta xaruntan tareenadda oo la hadlaayey Wakaalada Wararka ee Wadanka Chine oo uu qormadan kazoo xigtay wargeyska Dawan ayaa sheegay inay qorshaynayaan inuu qalabkani inta badan habeenkii shaqeeyo.