Jaaliyadda Imaaraatka oo Kulan ku Foolladeeyay Weftigii Somaliland u Qaabilsanaa Heshiiska Casriyaynta Dekadda Berbera

0
252

Dubai(Dawan)-Weftigii  xukuumadda Somaliland ee u qaabilsanaa heshiiska balaadhinta dekada Berbera, ayaa shalay magaalada Dubia  kula kulmay Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan Imaaraatka carabta. Xafladaas lagu qaabilay weftiga xukuumadda, waxa ka soo qaybgalay  Wasiirrada Madaxtooyadda, Maaliyadda, Guddoomiyaha xisbiga UCID iyo Wakiillada Somaliland u fadhiya dalalka Itoobiya iyo Imaaraatka carabta, Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe) iyo Md. Baashe Cawil Xaaji Cumar. Waxa kaloo madashaas ka soo xaadiray dadweyne tiro badan.

 

Danjiraha Somaliland u fadhiya waddanka Imaaraatka Carabta,  Baashe Cawil, ayaa jaaliyadda ugu mahadceliyey sida  wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen madaxda Iyo Masuuliyinka qaranka, waxaanu  ka warbixiyey taariikhda Jaaliyada uu masuulka u  yahay ee Imaaraatka.  “Jaaliyadani, waa jaaliyad fac wayn oo muddo soo jirtay, la mid ma ah kuwa Yurub ama waqooyiga Maraykanka ee waa jaaliyad taariikh wayn ku leh dalka, waa halkii dalka laga dhisay maanta waxa ay hormood u yihiin in ay is garab taagaan horumarka dalka ka socda.  safaaradan Somaliland ee Imaaraatku waxa ay horseeday maanta in shirkadaha dunida ugu waa weyn ay maanta dalka maalgashanayaan,” ayuu yidhi Danjire Baashe Cawil.

Md. Baashe waxa uu sheegay in shaqaaleysiinta dadka ka hawlgalaya saldhiga millatari ee imaaraatka, mudnaanta koowaad la siin doono jaaliyada degan dalkaasi, waxaanu yidhi;  “Waxaan idinku busharaynayaa shaqalaysinta saldhiga Mellateri in ay mudnanta kowaad yeelan doonan bulshada Somaliland ee ku dhaqan Imaraadka Carabta “

 

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa soo dhaweeyey dhammaystirka heshiiska dekedda Berbera ee u dhaxeeya Somaliland iyo Shirka DP World waxaana uu yidhi, “Waxaan doonaynaa in aan samayno heshiis wanaagsan oo sodonka sanno ee aynu kiraynayno dekeddeenna uu noqdo heshiis dano wanaagsan salka ku haya oo ay dhaxlaan da’da naga dambaysa ee dhalan doonta.”

“Adduunyada gacanta la is-geliyaa oo  la is-marooojiyaa, waana wax ka dhaca suuqa xorta,  waayo waa sunaha nolosha iyo ganacsiga,” ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.

 

Sidoo kalena Wakiilka Somaliland u fadhiya Itoobiya, Md. Cali Xuseen Ismaaciil (Cali-shoombe),  ayaa Siyaasiyiinta  ugu digay in weji cabsi ah u yeelaan Heshiiska maalgashi ee u dhaxeeya Xukuumadda Somaliland iyo waddanka Imaraatka Carabta,  Waxaannu yidhi,  “Xukumadda Somaliland waxa ay wada hadal la furtay toddoba shirkadood, DP-World ayaa noqotay tii ugu Sanduuqa wanaagsanayd ee yaan bulshada lagu  hodin Itoobiya diidaysa iyo Xutiyiinta ayaa idin tooganaysa.”

 

Wasiirka Maaliyadda Somaliland, Marwo Samsam Cabdi Aadan, oo xafladaas ka hadashay ayaa hoga tusaalaysay  bulshada ku dhaqan wadanka Imaaraatka Carabta , Waxaana ay ugu warbixisay marxaladihii adkaa ee dalka soo maray iyo sidii  uu uga soo gudbay.

Xubno ku hadlayay magaca Jaaliyadda Imaaraatka,  ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyey Weftiga ballaadhan ee ka socda Xukumadda Somaliland iyo fursadaha Maalgashi ee ay dalka u soo hooyeen iyaga oo ku soo bandhigay qaab tix iyo tiraaba iskugu jirtay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply