Weedha Wargeyska Taariikhdaa Tusmayn Doonta Haddii Waddani Garabsaday Cadowga

0
282

Xisbiga Waddani iyo dawladda  federaalka Soomaaliya, ayaa ku bahoobay dhaqdhaqaaqyo lid ku ah Qaranimadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Sida laga war helay  waxa magaalada London iyo magaalooyin kale oo ku yaalla Ingiriiska ka socda  hadimooyin xisbiga mucaaridka ah ee Waddani iyo dawladda Muqdisho  shuraako ku noqdeen in ay Ingiriiska ka wada dhigaan dibad-baxyo loogu talogalay in lagu curyaamiyo  heshiisyada caalamiga ah ee Somaliland gashay ee ay la kala saxeexatay  shirkado caalami ah iyo dawladda Imaaraadka Carabta (UAE), mashaariicdaasi oo looga gol leeyahay in kor loogu soo qaado heerka nolosha ee bulshada reer Somaliland, isla markaana lagu doonayo in dalkan saboolka ahi uu beegsado Horumarka uu baahida weyn u qabo.

Xisbiga Waddani, wuxuu si xilkasnimo darro ah u iclaamiyay in mudaharaad laga sameeyo London 2-da Bisha March,  kaas oo lagaga soo horjeedo saldhiga millateri ee Imaaraadku ka sameysanayo Dekedda magaalo xeebeeda Berbera oo Goleyaasha Baarlamaanka (Guurtidda iyo Wakiiladdu) ay cod aqbaliyad ah ku meelmariyeen heshiiskaas oo ay u arkeen in masaalix dhaqaale iyo kuwo siyaasadeedba ugu jiraan dalkan Jamhuuriyadda Somaliland.

Waddani waxa kaloo ay qoraal heshiiskan lid ku ah oo lagaga been sheegayo ahmiyadiisa u kala direen QM, EU, AU, Arab League, IGAD, Maraykanka, Ingiriiska iyo dalal kale oo ay ka dalbadeen taageero la xidhiidha inay soo farogeliyaan oo xanibaan Heshiiska saldhiga millatari iyo dhammaanba Heshiisyada horumarineed ee Somaliland la gashay dawladda UAE  iyo shirkado caalamiya    oo dhan, heshiisyadaas waxa ku jira shiidaal baadhista, casriyaynta iyo ballaadhinta Dekedda Berbera, kuwaasi oo dhammaantood xukuumadda Somaliland ka xalaaleysay dariiqii sharci ee ay ahayd in la mariyo wixii isfaham iyo heshiis caalamiya ee dawladdu gelayso.

Dagaalkan la isku deyay in lagu hagaasiyo  Qaranimadda Somaliland  ee ay ku mataanoobeen xisbiga Waddani iyo dawladda Farmaajo ee Soomaaliya, waxa ka mid ah in maalinta Khamiista ee 2-da Bisha March 2017-ka ay dibad-baxyo ka dhigaan magaalada London gaar ahaan xafiiska Safaaradda Imaaraadku ku leeyahay UK.

Qabanqaabada mudaharaadkaas ayaa si qarsoodi ah uga socda magaalada London, iyadoo Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan Waddani ay kullamo joogto ah ku faaqidaan in mudaharaadkoodu noqdo mid u gogol xaadha hindiseyaal wakhti dheer qaadanaya oo ay isku garabsanayaan mijo xaabinta heshiiskan saldhigga iyo ka casriyaynta marsadda oo labaduba ah guulo siyaasadeed oo Somaliland horumar kaga sameysay iibgeynta qaaddiyadeedda.

Mudaharaadkan Waddani la kaashanayo Soomaaliya oo ah cadowga koowaad ee Somaliland, ayaa ah mid dadweynuhu diirrad weyneyso ah iskaga shaybaadhi doonaan Ajendeyaasha qarsoon ee xisbiga Waddani hulaaban yahay.

Ugu dambeyn, waxaa qormadan ku soo khatimaynaa mudaharaadka Waddani iyo dawladda Farmaajo waa jidkii Somaliland ku baadhi lahayd  facaa’ilka dhagarsan ee xisbiga Waddani xambaarsan yahay, waxaanu noqon doonaa qaar kama dambaysta fashilma  marka shacabka xalaasha ah ee reer Somaliland dhabarka u soo jeediyaan himilooyinka lagu mijo-xaabinayo qaranimadooda qiimaha adag ku joogta.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply