Maareeye ku-xigeenka Madbacadda oo la Kulmay DP World

0
264

Berbera (Dawan)- Maareeye ku xigeenka madbacadda qaranka, Maxamed Cabdiraxmaan Liibaan iyo wefti uu hoggoominayay oo ka koobanaa agaasimayaasha waaxaha maamulka maaliyadda iyo agaasimaha qorshaynta iyo horumarinta ee madbacadda qaranka ayaa magaalhiada Berbera kula kulmay masuuliyiinta shirkadda DP World.

Maareeye ku xigeenka madbacada qaranka,  ayaa safar hal maalin qaatay ku tagay magaalo xeebeeda Berbera ee gobolka Saaxil, waxaanu faahfaahin ka bixiyay ujeedada socdaalkooda iyo waxyaabihii u qabsoomay.

Maxamed Cabdiraxmaan Liibaan oo faahfaahinaya ujeedada safarkooda ayaa waxa uu yidhi “Sida aynu wada ognahay waxa horaanta bisha sadexaad ee inagu soo fool leh dhaqan galaya heshiiskii dekada Berbera ay DP Wold kula wareegi lahayd, sidaa darteed  ujeedadda safarku waxa uu ahaa sidii dekadda Berbera oo ka mid ahayd hay’addaha dawliga ah ee madbacadda qaranka macmiilka uga ahayd dhinaca daabacaadda aanu masuuliyiinta DP World ugala soo xaajoon lahayn sidii wada shaqayntiiI madbacaddu u sii socon lahayd loona sii horumarin lahaa”

Maareeye ku xigeenku isaga oo faahfaahinaya cida ay kala kulmeen DP Wolrld iyo natiijada ka soo baxday waxa uu yidhi” Waxa aanu la kulanay ninka u fadhiyi doona somaliland Mr Ibraahim Xamiidi iyo kooxdiisa, anaga oo wada hadal dheer ka dib isla meel dhignay sida ay madbacadda ugu soo gudbin lahaayeen baahidooda daabacaadeed”

Ugu danbayn maareeye ku xigeenku waxa uu jawaab kooban ka bixiyay war uu gudoomiye Cirro ku duray madbacadda qaranka warkaas oo khamiistii todobaadkii tagay ku soo baxay wargeyska Hubaal bogiisa wararka  waxa aanu yidhi “ Waxa ayaan darro ah in gudoomiyihii aqalka wakiiladdu uu yidhaa wixii labada gole ansixiyeen waa sharci darro oo madbacadda qaranka ayaa lagu soo daabacay.  gudoomiyaha waxa aan xasuusinayaa in madbacaddu tahay meel ka madax banaan siyaasadda iyo loolanka axsaabta waxa aanan leeyahay yuu dagaalku kaa xumaan.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply