Seed oo ka Hadlay Sababta uu Kulmiye Xil uga Qaban Waayay

0
253

Boorama (Dawan) Axmed Muumin Seed oo ka mida siyaasiiyiinta xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE, ayaa  markii ugu horeysay shaaca ka qaaday sababta xisbigan uu ka tirsan yahay uu xil uga qaban waayay wakhti xaadirkan.

Axmed Muumun waxa uu sidaasi ka sheegay xaflad loo qabtay haween ka soo digo rogtay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, kuwaasi oo ku soo biiray xisbiga KULMIYE, xafladaasi oo ka qabsoontay magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal.

“Garabkii Wasiirrada ee dawlada ka yaacay maalintii ay nagu soo biirayeen Xirsi oo kale waxaannu siiney Waraaba-u taag oo waxaanu nidhi hoggaamiye ayaad tahay, hoggaamiyuhuna meel uu xisbiyada kaga jiraa ma jiro, waxaanan go’aan ku gaadhay in aanan kursi aan dastuurka qaranka Somaliland ku qoreyn amase shuruucda hoose ee xisbiyada aan ku qoreyn inaanaan qaban, inaanaan Somaliland sharci-daro u horseedin. waxaanan go’aan ku gaadhay in masiirkayagii iyo awoodayadii iyo dhaqaalahayagiiba iyo tii kartiyeed ee Illaahay i siiyayba in aan ku dhiso guddoomiyaha xisbiga talada dalka haya ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi,”ayuu yidhi Mr. Seed.

 

Sidoo kale Axmed Muumin waxaa uu faahfaahin ka bixiyay sababaha uu ku raacay guddoomiye Muuse iyo xisbigiisa waxaannu yidhi; “Waxaa aad u mihiima shuruucda qaranka inaynu dhawro, ta xisbiyada inaynu dhawro, oo distoorkana aynu ilaashano, intii aan waraaba-u taag noqon lahaana waxaan is idhi abaalkaaga dib u dhigo oo Muuse Biixi soo saar, astaamahaa aan Muuse ku raacay waxaa ay tahay Muuse beenaale maaha, waana nin warkiisu cad yahay oo markuu soo socdo ayaad garaneysaa in uu ku dilayo amase ku noolaynayo, waana nin qaabkii hoggaamiye leh, waana nimaan mus-danbeed lahayn mus-danbeedkiisuna waa aqoonta, Cirro iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa Nairobi  tagey waxaanay sheegeen inay abaarta wax u dooneen wixii ay u dooneen mee? Markaa waa in waxaa aynu sheegaynaa uu run noqdaa.” isaga oo hadalkiisa sii watay waxaa uu intaas ku daray “Haweenkan aad aragtaan waa halbowlihii amase mushiinkii WADDANI ee aan gudoomiye ku xigeenka ka ahaa, waana aasaasayaashi maalinkii calanka Boorama aan keenaynay waana haweenkii lagu bilaabay ee aftaxay, waxaanay ka soo digarogteen WADDANI iyaga oo go’aan ku gaadhay inay la midoobaan KULMIYE.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply