Australiya oo Xidhay Nin Qorshaynayay Samaynta Gantaallo

0
337

Australiya ayaa xidhay nin looga shakiyay in uu isku dayayay in uu talooyin siiyo kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka si ay u sameeyaan gantaallo.

Haisem Zahab oo 42 jir ah ayaa lagu xidhay magaalada Young oo ku taalla New South Wales Arbacadii, sida uu sheegay ra’iisal wasaaraha dalkaas New South Wales.

Booliisku waxay sheegeen in ninkan oo korontada yaqaana uu ka caawinayay sidii loo horumarin lahaa gantaalada ridada dheer ee meesha fog laga hago.

Xidhitaankan lama xidhiidho weerar laga qorshaynayay Australiya sida uu Turnbull sheegay.

Andrew Colvin oo ah taliyaha booliiska faderaalka ee Australiya ayaa ninkan ku sheegay in ninkani uu hawshan kaligii waday taladiisuna ay ahayd “mid halis ah oo aad loo diyaariyay”.

Taliyuhu wuxuu sheegay in uusan khibrad toos ah u lahayn arrimaha gantaalada.

 

Baadhitaanka booliiska ee salaasadii waxaa ka qayb qaatay tiro askar ah wuxuuna dabo socday baadhitaan 18 bilood qaatay.

Booliiska ayaa sheegay in Zahab lagu xidhay qoyskiisa hortiisa oo ay ku jiraan carruur.

Muuqaal laga baahiyay warbaahinta deegaankaas ee Nine network ayaa muujisay booliiska oo ey iyo qalab kale wata oo baadhaya gurigiisa.

Leave a Reply