Ku-simaha Madaxweynaha oo ka Furay Shir Sannadle ah oo Lagu Dejiyo Mashaariicda Dawladaha Hoose

0
269

Hargeysa(Dawan)- Madaxwayne Ku-xigeenaka Jamhuuriyadda Somaliland ahna kusimaha Madaxwayanaha Mudane: Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)  ayaa shalay furay mashruuca sannadlaha ah ee  horumarinta dawladaha  hoose ee dalka ee loo yaqaanno (JPLG)-ga.

.

Mashruucan oo sannadkan 2017,  ay soo qaban qaabisay Hay’adda UN Habitat, ayaa lagu soo bandhigay kharashka  ay sannadkan u qoondeeyeen dawladaha hoose ee dalka, kaas oo  ka badan kii sannadkii hore ay geliyeen dawladda hoose ee magaalooyinka waaweyn ee Somaliland.

.

Afhayeen u hadlayay hay’adda UN/Habitat,  ayaa sheegay in Mashruuca JPLG-gu yahay mashruuc faa’iido  badan u leh guud ahaan Somaliland,  isagoo xusay in dhankeedana Jamhuuriyadda Somaliland ay si wayn ugu guulaysatay hab nidaameedka shaqo ee mashruucan isagoo ugu baaqay dalalka gobolka iyo hay’adaha caalamiga ahba inay wax ka bartaan Somaliland.

 

Madaxwayne Ku-xigeenka, ahna ku-simaha Madaxwayanaha Jamhuuriyadda Somaliland oo isagu mashruucaasi furay ayaa halkaasi kasoo jeediyay khudbad uu kaga hadlayay faa’iidada uu mashruucani u leeyahay qaranka waxaannu yidhi;  “Waxaan u mahad-celinayaa shanta ha’yadood ee ku midoobay mashruucan,Ilaahay mahadii maanta (shalay) waxa ay noo soo gudbiyeen miisaaniyad sannadeedka 2017-ka taas oo aynu wax kaga qaban karno baahiyaha ay dawladaha hoose soo qorteen,iyadoo aynu kala horaysiinayno baahiyaheenna oo ay kaw ka tahay dib u dhiska dawladaha  hoose iyo maamul-daadejinta maadaama sannadkani yahay sannadkii u danbeeyay ee wajigii labaad afartan degmo ee ay hawshu ka socoto mashruuca saddexaad ee (Face Three) waxa aynu awooda saari doonaa labada Gobol ee aanu gaadhin mashruuca JPLG-gu ee Sool iyo Sanaag.”

 

 

“Sidaas awgeed,  anigoo ku hadlaya afka dawladda, waxaan deeq bixiyeyaasha ka codsanayaa inay tix-geliyaan baahiyaha ay dawladaha hoose noosoo gudbiyeen, dawladda dhexena miisaaniyada ayay ugu dartay wixii kaga soo hagaagay mashaariicdan,”ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil, Ku-simaha Madaxwayanaha,  ahna Madaxwayne Ku xigeenka Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply