Baaq Daalibaan u jeedisay Shacabka iyo Ciidankeeda

0
277

Hogaamiyaha Daaliban-ka Afghanistan, Hibatullah Akhundzada, ayaa ku tirtirsiyey dadka Afghanistan in ay dhir badan beeraan.

Warbixin uu soo saaray ayaa ugu baaqday rayidka iyo dagaalyahannada kooxdiisaba in ay “beeraan dhirta midhaha leh iyo ta kaleba si dhulka loo qurxiyo oo abuurta Alle na u quudato”.

Afghanistan waxa ka jira dhibaato badan oo xaalufin ah taas oo ka dhalatay xaabaysiga ay dadku shitaan dhirta xiliga qaboobaha iyo iib geynta looxa sharci darrada ah.

Warbixinaha noocan ah ee ay kaga hadlayaan ilaalinta deegaanka ayaa ah mid naadir ah oo aan looga baran Daaliban.

Akhundzada oo noqday hogaamiyaha Daaliban bishii May ee sannadkii hore ayaa ah nin sumcad fiican oo diimeed ah leh oo ay dadku u tixgelinayaan hogaamiye diimeed balse aanay u arkin inuu yahay hogaamiye milatari.

“Fariintan gaarka ah” ah ee lagu baahiyey warbaahinta rasmiga ah ee Daaliban, ayaa ahayd mid si aad ah uga duwan hadalkii kululaa ee kooxdu had iyo goor ku dhaliisho dawlada Afghanistan iyo isbahaysiga gaashaanbuurta NATO ee taageera xukuumadda.

Leave a Reply