Madaarka Kuala Lumpur oo laga Sifeeyey Suntii lagu Dilay Kim Jong-Nam

0
1014

Qayb ka mid ah gegida diyaaradaha ee Kuala Lumpur oo ah halkii lagu dilay ninkii ay walaalaha kala bahda ah ahaayeen hogaamiyaha Woqooyiga Kuuriya, ayaa booliska Malaysiya sheegeen in laga sifeeyey suntii neerfaha ee loo adeegsaday dilkaa.

Koox ka tirsan ciidanka nabadgelyada oo gashan dhar jidhkoo dhan wada shaqlay ayaa goobta ka sifaynayey suntaas.

Wasiirka caafimaadka Malaysiya ayaa sheegay in baadhitaankii lagu sameeyey maydkii Kim Jong-nam lagu ogaaday in dilkiisa loo adeegsaday sunta disha neerfaha oo keentay “in jidhkiisu mar qudha naafoobo”.

Waxaana baadhitaannadaa lagu ogaaday in suntan la adeegsaday tahay mid aad u halis ah oo la yidhaa VX.

Suntan ayaa sababtay inuu ku dhinto daqiiqado gudahood 15 ilaa 20 daqiiqadood  markii ay wejiga ka mariyeen laba dumar ah.

Madaarka waxa suntaaa ka sifaynayay kooxo booliska ka tirsan oo ku takhasusay sifaynta walxaha kiimikaad ee deegaanka lagu sii daayo, khubaro ka socota waaxda ka hortagga walxaha halista ah ee dabdemiska iyo sidoo kale khubaro ka socday wakaaladda quwadda korontada nukliyeerka ee dalka.

“Sifayntaa baaxadda leh la fuliyey ka dib, waxaan cadaynaynaa  in aan haatan walxo kiimikaad oo halis ah laga helayn qaybta KLIA2 ee madaarka, waa ta labaade in isla qaybtaasi gabi aanteed ba ay tahay meel bad qabta iyo ta saddexaad oo ah in KLIA2 haatan tahay goob aan wax khatar ahi ka jirin oo ay furantahay” ayuu yidhi Abdul Samah Mat oo ah sarkaalkii hogaaminayey baadhitaannadii ay boolisku wadeen.

 

 

 

 

 

Leave a Reply