Booliska Berlin oo Xidhay Masaajid

0
317

Booliska Jarmalka ayaa qaaday howlgal laga fuliyay magaalada Berlin kaas oo lala eegtay dhismayaal uu leeyahay masaajid.

Waxaa la sheegayaa in dhismayaasha uu adeegsaday Anis Camri oo ka dambeeyay weerar Desember lagu qaaday suuq ku yaalla Berlin.

Boolis aad u badan ayaa la geeyay guryo iyo xarumo ganacsi oo baadhitaan laga sameeyay.

Hay’ad maamusho masaajid ayaa sidoo kale shaqada laga joojiyay, lana mamnuucay.

Weerarka Anis Camri lala xidhiidhinayo waxaa ku dhintay 11 qof ka dib markii gaadhi xamuul ah uu dhexgeliyay suuq. Anis ayaa lagu dilay dalka Taliyaaniga xilli uu isku deyay inuu baxsado.

 

Booliska waxay sheegayaan in howlgalka uu bilowday ka dib markii la amray in la xidho hay’adda oo loo yaqaano Fussilet.

Amarka hay’adaasi lagu mamnuucay ayaa soo baxay bartamihii bishan.

Hantida baadhitaanka lagu sameeyay waxaa deganaa dadka maamula hay’adda, sida Booliska uu ku warramay.

Dacwad oogayaasha waxay ku doodayaan in Anis Camri uu si joogto ah u tagay masaajidka.

“Xitaa maalintii weerarka wuxuu tagay masaajidka”, ayey sheegeen saraakiil u hadashay waaxda dacwad oogista Jarmalka.

Waxaa masaajidka iyo hay’adda lagu eedeeyay inay xudun u ahaayeen xagjireynta iyo inay dagaalyahanno ay u qoreen ururka daacish.

Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inay lacag u uruuriyeen ururka la baxay Khilaafada Islaamka.

Booliska waxay sheegeen inay kaamiro qarsoodi ah ku xidheen ka soo horjeedka masaajidka ayna halkaasi kala socdeen.

Masaajidkaasi ayaa la xidhay isbuucii aanu soo dhaafnay.

 

Leave a Reply