“Wasiirka Madaxtooyaddu Sucuudiga uma Tegin Hawl ka Baxsan Cibaado”

0
325

Hargaysa(Dawan)-   Afhayeenka  madaxtooyadda    Jamhuuriyadda    Somaliland,  Eng. Xuseen Aadan Cigge (Deyr),  ayaa been aan sal iyo raadtoona lahayn ku tilmaamay hadallo maalmihii la soo dhaafay ka soo yeedhay qaar ka mida siyaasiinta mucaaradka oo ka dayriyay xaaladda caafimaad ee  madaxweynaha Somaliland, oo ku sugan dalka Ingiriiska oo uu socdaal gaar ah ku tagay.

 

Afhayeenku waxa uu hadaaq been ah ku tilmaamay dad mucaarid ah oo sheegay in lagu samaynayo qalliin madaxweynaha Somaliland;  “Wax aan waxba ka jirin in la sheego maaha  madaxweynaha Somaliland  sida madaxweyneyaasha caalamku xaqa ugu leeyihiin in fasax tagaan,   ayuu fasax ugu maqan yahay,wax  xannuun ah   ama qaliina  ama xaalad caafimaad darro   oo madaxweynuhu ku sugan yahay ma jirto.  hadalladaa iyo wararka ay ku hadaaqayaan xisbiyada mucaaridka qaar ka mid ahi,   waxba kama jiraan ayaan leeyahay.  anigoo afkii madaxweynaha ku hadlaya  madaxweynuhu  wuu caafimaad qabaa  waxaana aan rajaynaynaa  isagoo nabad qaba in uu dhawaan dalka ku soo noqon doono,”ayuu yidhi Afhayeenka oo shalay u waramay Startv.

 

Xuseen Dayr, waxa kaloo uu intaas ku daray  in aanay jirin culays xukuumaddu ku hayso Golaha Guurtida oo ay kaga dalbanayso in muddo kordhin dheeraada loo sameeyo, waxaannu yidhi; “Madaxweynuhu waxa uu Golaha Guurtida u gudbiyay  in waajibaadkooda dastuuriga ah ka gutaan arrinta doorashada madaxtooyadda ee saddexda xisbi qaran iyo komishanka doorashooyinku  go’aanka ka gaadheen. xukuumaddu sharcina uma laha xaqna uguma  laha in Golaha Guurtida cadaadis ku saarto ama ay ka dalbato in wakhti dheeraad ah  loo kordhiyo xukuumadda.

 

Golaha Guurtidu sharciyan iyo dastuuriyanba iyagaa xaq u leh muddo kordhinta madaxweynaha iyo madaxweyne kuxigeenka. sidaas daraadeed,  madaxweynuhu murrashax  maaha haddii uu tartamayo     wakhtigeedii ayay ku dhici lahayd  doorashadda madaxtooyadu waanu heli lahaa,sidaas awgeed ma jirto cadaadis iyo xod-xodasho  ay   xukuumaddu ku hayso Guurtida  oo ay kaga dalbanayaan in muddo kordhin dheeraada loo sameeyo xukuumadda. saddexda  xisbi qaran iyo komishanka doorashooyinku waxa ay isla gaadheen in 10-ka Bisha October ee sannadkan in ay dhacdo    doorashadda   madaxtooyaddu.”

Afhayeen Xuseen Deyr, waxa uu isna waxba kama jiraan ku sifeeyay war sheegayay in Wasiirka madaxtooyadda iyo madaxweynaha Soomaaliya ku kulmeen Sucuudiga; “Waa war aan raad lahayn, waxbana kama jiraan    in ay Wasiirka   madaxtooyaddu u tagay dalka Sucuudiga  in uu la kulmo madaxweynaha Soomaaliya. Wasiirka madaxtooyaddu waxa uu ka mid ahaa weftigii Imaaraadka carabta    tagay  markii ay soo dhammaysteen waajibaadkii  iyo hawlihii    ay qaranka u hayeen ee DP World,waxa uu Wasiirka madaxtooyaddu    fasax yar oo gaaban ku tagay  cimrada  waana meel umadda muslimka  ah   u furan. xukuumad  ahaan  sabab   uu ula kulmo Farmaajo (Madaxweynaha Soomaaliya)  ma jirto. Xukuumadda Somaliland kalama hadli karto Farmaajo  danaha horumarinta  iyo mashaariicda aynu la galayno  wadanka Imaaraadka carabta,”ayuu yidhi Afhayeenka madaxtooyadda, Xuseen Aadan Cigge (Deyr).

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply