Daraasad: Internetka Oo Lala Qabatimaa Waa Sida Mandooriyayaasha Kale

0
358

Balwada internet ka waa xaalad maskaxiyan ah oo sababta in dadka ay ku lumiyaan wakhti badan isticmaalka computer ama alaadaha ku xidhan internetka, waxaay saameyn kuyeelan kartaa caafimaadka, caqliga qofka, iyo xidhiidhada uu la leeyahay bulshada.

Balwadaan waa mid ku cusub masaraxa caafimaadka, waxay khubarada caafimaadka maskaxdu  aaminsan yihiin in balwada internet ka ay la mid tahay balwadaha kale sida, balwada maadooriyaasha iyo balwada khamaarka.

Balwada internetka waxay burburin kartaa nolosha qofka ayadoo sababeysa dhibaatooyin ku dhaca maskaxda iyo dareemayaasha, sidoo kale waxay sababi kartaa fadhiga masaxkada oo khalkhal gala iyo dhibaatooyin kaga imaada qofka la xidhiidhida bulshada.

Xaaladaan ma ahan xaalad lagu sameeyay daraasado badan, sidaa darteed ilaa iyo hada lama oga xaaladaha kale ee caafimaad oo ay horseedi karto iney jidhka lasoo darsaan. In kastoo qof walba uu noqon karo qof qabatimay internetka hadana waxaa ugu badan ragga dhalin yarada da’dooda ay u dhexeeya 20 ilaa iyo 35 sano.

Dadka qaba balwadda internetka waxaay inta badan dareemaan in ay ka go’dooman yihiin bulshada, waxayna aamin sanyihiin iney ku adag tahay iney sameeyaan ama ay ilaaliyaan xidhiidhka dhex mara bulshada, sidoo kale waxaa unugul iney qabatimaan internetka dadka qaba balwadaha maandooriyaasha, galmada, iyo khamaarka. Dadka qabatima internetka waxay halis ugu jiraan iney la soo darsaan

Niyad jab ,Walwal ,Colnimo, Waali ,Ka go’doonka bulshada ,Iney dhib kunoqoto xakameynta rabitaankooda ,Balwadaha maandooriyaasha

 

Sida balwadaha kale  internetka ma ahan mid ku saleysan xiisaha qofka ama hiwaayadaha qofku uu ka helo, ee balawadda saxda ah ee internetka waxay leedahay astaamaha sida:

 

Saameyn xun oo ay ku yeelato waxbarashada ama shaqada

Iney yaraato ku lug lahaanshaha qoyska ama asaxaabta

Iney lunto xiisaha waxyaaba badan

Iney yaraato iney dabagalaan wax yaabaha laga rabo

Dareen niyad jab ama walwal marka aad ka fogtahay aalada aad ku isticmaashid internet ka

Inaad ka fakartid sida aad ku heli lahayd internet marka aadan isticmaaleyn

Inaad xanaaqdid ama is difaacid aad sameysid marka qof uu wax ka sheego internet isticmaalkaaga

Inaad qarisid xadiga uu la egyahay isticmaalkaagu.

Dadka qaba balwadda internet-ka waxay waqti badan ku lumiyaan isticmaalida:

 

Baraha bulshada

ka daawashada internetka sida  filmida anshaxa xun.

Shukaansi

Ciyaarida geemamka

Khamaar

Calaamadaha jooojinta balwadda internetka

 

Waxaa jira calaamado ay leeyihiin joojinta balwad kasta, sababtoo ah qabatinku waxuu is bedel ku sameeyaa hanaanka iyo xadiga hormoonada qaar. Waxaa jira hormone la yidhaahdo dopamine oo keena farxada iyo nashaada qofka uu dareemo, hormoonkaan waxaa si xad dhaaf ah loo soo daayaa mar kasta oo uu qofka sameeyo wax uu jecel yahay, hadii ay noqoto waxyaabaha caadiga ah sida cunida cunno, galmada, iyo balwadda ba. Qofka qaba balwad hadii uu joojiyo wuxuu dareemayaa faraxad la’aan iyo nasho la’aan, waxaana sababa hormoonka dopamine oo soo saaritiisa ay yaraato, calaamadaha joojinta balwadaan waxaa kamid ah:

 

Degdeg uxanaaqid

Walwal

Dhidid badan

Hurdo la’aan

Dabeecadda oo is bedbedesha

Su’aalahaan hoos ku qoran ayaa loo adeegsadaa in lagu ogaado qofka heerka qofka uu jecel yahay inuu isticmaalo internetka

 

Maku mashquushaa isticmaalka internetka?

Dhib miyeey kugu tahay inaad xakameysid xiisaha internetka?

Ma waxaa jira ilaa xad aad ubaahan tahay inaad isticmaashid internetka si aad u dareentid qanaaco?

Hadii aadan isticmaalin internetka ma waxaa dareentaa walwal ama caajis?

Ma waxaa tahay online waqti kabadan inta aad rabtid?

Ma isku daydaa inaad yareysid isticmaalida internetka marar badan? maku guul dareysatay?

Ma dareentaa wax astaamo xanuun ah oo ka dhashay isticmaalida internet ka sida (Dhabar xanuun, Indha xanuun) masii waddaa isticmaalida adigoo dareemaya astaamahaan?

Saameyn maku leedahay isticmaalidda internetku wax barashadaada ama shaqadaada?

Saameyn maku yeelatay isticmaalida internetku xidhiidhada aad la leedahay dadka qaar?

Hadii aad HAA ku jawaabtay 9 ka su’aalood, waxaa tahay qof qabatimay internetka, Hadii aad 6 iyo wax ka yar ku jawaabtay waxaad tahay qof jecel isticmaalida internetka laakin matihid qofka ay ku tahay balwad.

 

Isku day inaad yareysid wax yaabaha kalifi kara inaad wakhti badan ku limisid isticmaalida internetka, sida in aad facebook ku soo noqnoqotid marar badan, iyo inaad video badan aad ka daawatid youtube, hadii ay tahay lagama maarmaan inaad isticmaashid baraha bulshada, waa inaad u qoondeysaa wakhti gaar ah, oo ah xili aan lagaa rabin shaqo ama wax barasho, u badal isticmaalida internet ka mid kuu ah abaal marin oo waxaad isticmaashaa marka aad guul ka gaartid arin aad rabtay inaad sameysid.

 

 

 

 

Leave a Reply