Labo Dumar ah oo Wajahaya Dacwadii Dilkii Kim

0
334

Laba dumar ah oo looga shakisan yahay dilka Kim Jong-nam, oo ay  isku aabo ahaayeen hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jong-un, ayaa lagu oogayaa dacwad ah “dil badheedh ah”.

Labadaasi haween ayaa maxkamad la geyn doonaa Arbacada, sida ay sheegayaan dacwad oogayaasha.

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Malaysiya Janaraal Maxamed Apandi Cali wuxuu sheegay in labadan qof oo ka soo kala jeeda Indonesiya iyo Fiyetnam, si rasmi ah dacwadda loogu qaadi doono.

Haddii ay ku cadaato inay dilka si badheedh ah u geysteen waxaa lagu xukumi doonaa dil.

Labada dumarka ah waxaa lagu eedeeyay inay sun halis ah wejiga ka mariyeen Kim Jong-nam, xilli uu ku sugnaa garoonka diyaaradaha Kuala Lumpur, horraantii bishan.

Waxay ku doodayaan in loo sheegay inay ka qeybgalayaan barnaamij madadaalo oo TV ka baxaya.

Xeer ilaaliyaha guud ee Malaysya wuxuu sheegay inuu jiro nin u dhashay Woqooyiga Kuuriya oo aan weli dacwad lagu oogin, kuna xidhan xabsi.

Labada haween oo lagu kala magacaabo – Doan Thi Huong oo 28-jir ah iyo Siti Aisyah oo 25-jir ah – waxay ka mid yihiin 10 qof oo loo aqoonsaday inay yihiin kuwa looga shakisan yahay dilka Kim Jong-nam.

Kuwa laga shakisan yahay waxaa ka mid ah diblumaasi sare oo ka shaqeynayay safaaradda Kuuriyada Woqooyiga ku leedahay Kuala Lumpur, Malaysiya.

Kuuriyada Koonfureed waxay sheegtay inay aamisan tahay in afar ka mid ah dadka laga shakisan yahay ay yihiin Jawaasiis.

Kim Jong-nam, wuxuu muddo mucaarad ku ahaa qoyskiisa haya talada dalka Kuuriyada Woqooyi.

Waxaa la dilay xilli uu sugayay diyaarad uu ka raaci lahaa Malaysiya, 13-kii bishan February.

Waxaa la mariyay sun aad halis u ah oo neerfaha wax yeeleysa, wuxuuna ku dhintay 15-20 daqiiqo gudahood.

 

 

 

 

Leave a Reply