Madaxweyne Trump Oo Kordhinayaa Kharashka Ku Baxa Wasaaradda Gaashandhiga Maraykanka

0
320

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa doonaya in uu 10% kordhiyo kharashaadka ku baxa gaashaandhigga, isaga oo soo bandhigay hindisaha qorshihiisa miisaaniyadda sanadka 2018ka.

Tallaabadani ayaa ah muuqaalka guud ee hindisaha miisaaniyadda madaxweyne Trump balse waxa ay si cad u muujinaysaa arrimaha uu muhiimadda siinayo, iyo in ay ka go’antahay in uu fuliyo ballan qaadyadiisii xilliigii uu ku jiray ololaha doorashada ee ahayd in uu xoojiyo milatariga dalkaasi.

Miisaaniyadda gaashaandhigga ayaa hoos u sii dhaceysay tan iyo sanadkii 2010-kii, waxa uuna hadda Trump doonayaa in uu arrintaa wax weyn ka badalo.

Miisaaniyaddaasi ayaa hadda lagu qiyaasaa 482 bilyan oo gini, waxaana saraakiisha aqalka cad ay sheegayaan in madaxweyne Trump uu doonayo 54 bilyan oo gini oo dheeraad ah, taas oo ka dhigan in boqolkiiba toban la kordhiyo miisaaniyadda.

Leave a Reply