London(Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo booqasho gaar ah ku jooga Ingiriiska, ayaa xalay booqday suuqa weyn ee laga dukaamaysto ee ee Westfield Shopping Centre ee galbeedka London, waxaanu fadhiistey kana qax-weeyey Muqaaxi bunka laga cabo oo ay si diiran ugu soo dhaweeyeen qaar ka mid ah jaaliyadda Somaliland oo uu si kadiso ah ugu galay meheradaas.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ay wehelinayeen Marwada Koowaad ee Qaranka Somaliland Marwo Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirde, Xoghayaha gaarka ha ee Madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Saxaafada Mudane Khadar Cali Gaas.
Madaxweynaha oo ku guda jira fasixiisi sannadlaha ahaa ee uu ku tegay dalka UK oo inta badan uu fasaxyadiisa ku qaato, waxaanay madaxweynaha ku bogaadiyeen inuu sida uu mar walba gudo iyo dibadba loogu arko goobaha barkulanka bulshadu iskugu timaado. Waxa kamaradaha ka soo baxay madaxweynaha oo ay gacan qaadayaan qurbo-jooga Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu lug ku tagay masaafo fog, iyadoo bulshada Somaliland soo dhaweeyeen booqashadiisa suuqyada magaalada London ee dalka Ingiriiska. Arrintani waxay weji gabax ku tahay xubno ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo maalmihii la soo dhaafay faafinayay warar been abuur ah oo ay kaga deyrinayeen xaaladda caafimaad ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Dawannews Hargeysa office