Ruushka iyo Shiinaha oo Codka Diidmada Saaray Cunaqabateynta Suuriya

0
402

Ruushka iyo Shiinaha ayaa labaduba codka diidmada qayaxan ee Veto u adeegsaday inay xannibaan tallaabo golaha ammaanka ee QM uu cunaqabeteyn ku saari lahaa taliska dalka Suuriya, sababo la xidhiidha inuu hubka kiimakada u isctimaalay shacabka dalkaas.

Waxa ay ahayd markii toddobaad muddo lix sano ah oo dagaalka Suuriya uu socday, taasi oo Ruushku  ay codka diidmada qayaxan u adeegsatay  si ay u  difaacdo maamulka madaxweyne Bashar al-Assad.

Dalka Bolivia oo sidoo kale xubin ka ah golaha ammaanka ayaa diiday tallaabadii laga qaadi lahaa madaxweyne Assad, halka dalalka Masar, Kazakhstan iyo  Itoobiya  ay ka aamuseen.

Haseyeeshee  sagaal dal ayaa u codeeyey cunaqabateynta ka dhanka maamulka madaxweyne Assad, taasi oo ku filnaan lahayd inay dhaqan gasho, haddii aysan codka Veto ku diidin Ruushka  iyo  Shiinaha.

Leave a Reply