Wasaaradda Duulista oo Jawaab ka Bixisay Hadal ka sooyeedhay Dhigooda Soomaaliya

0
438

Hargaysa(Dawan):- Wasaaradda Duulista  Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Somaliland,ayaa jawaab adag ka bixisay  hadal ka soo yeedhay Wasaaradda Duulista iyo gadiidka  cirka ee Soomaaliya oo sheegtay war xaqiiqada ka fog oo  ah in ay  50 arday tababar u dirtay  si ay u  maamulaan hawada Somaliland iyo Soomaaliya taasoo ah mid aan jirin oo been abuur cad ah.

War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Somaliland,waxaa akle oo looga digay dawladda Soomaaliya in ay sheegato wax aanay lahayn iyo in ay isku daydo in ay dacaayado been abuur ah kaga been sheegto  gacan ku haynta hawada Somaliland iyo Soomaaliya.

War-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Somaliland oo dhammaystiran,ayaa u dhignaa sidan.  “Waxaanu halkan si cad uga beeninaynaa war ay faafisay wasaarada duulista iyo gaadiidka cirka ee dalka aanu jaarka nahay ee Soomaaliya oo ay ku sheegtay inay iyadu dirtay ugu yaraan 50 arday oo loo soo tababarayo maamulida iyo hagida diyaaradaha.

 

Ugu horayn waxaanu ummada Somaliland iyo guud ahaan caalamka la wadaagaynaa, in ardaydaas ay qaadayso hay’adda ICAO isla markaana ay iyadu imtixaan ka qaaday oo ay soo tababbarayso, iyada oo ay qayb ka tahay barnaamijka lagu casriyaynayo laguna tayaynayo madaarada Somaliland iyo Soomaaliya ee Hay’adda ICAO maamusho. Waxaanu sidoo kale halkan ka caddaynaynaa inaanay jirin cid gaar ah oo hawada lagu wareejinayo, iyo cid gaar ah oo hay’adda ICAO ay si gaar ula shaqaynayso, la soo wareegidda hawada iyo maamulideeduba waxay ku xidhnaanaysaa guusha laga gaadho wada hadaladii labada dawladood u socday ee hakaday.

 

 

Ugu dambayn waxaanu dawlada Soomaaliya uga digaynaa, ku celcelinta wararka xanafta leh ee aan waxba ku soo kordhinayn,  xaaladda hawada labada dawladood oo ku sugan  wakhtigan,  xaalad xasaasi ah oo khatar ugu jirta in gabi ahaanteedba loo gacan galiyo wadamo shisheeye”

 

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply