Maxaad Ka Taqaanaa Mihnadaha Lagu Shaqaysto Ee Ugu Khatarta Badan Adduunka

0
469

Daraasad cusub oo dhowaan lasoo saaray ayaa lagu soo bandhigay mihnado ay khubaradii daraasada waday ku sheegeen inay yihiin kuwa ugu khatarta badan caalamka, gaar ahaana marka loo eego waqtiyada adag ee la shaqeeyo.

Mihnadahaasi ayaa ah dhawr mihnadood , kuwaas oo ay ku jiraan kuwa ugu muhiimsan ee dadku ay qabtaan, waxaanay mihnadahaasi kala yihiin:-

1:Dawada Iyo Ka Xaynta Ambulance-ka:khubaradan ayaa sheegay in dhakhaatiirta iyo dadka ka shaqeeeya  cisbitaaladu inay yihiin dad u nugul isku buuqa  iyo xanuunada kale eek u dhaca wadnaha, madaama oo laga yaabo inay soo jeedaan waqti badan.

Dadka wada gaadhiga gargaarka deg dega ah ee Ambulance ka iyo Nurse-ta ayay iyagana ku sheegeen kuwo u nugul inay si fudud u qaadi karaan xanuuno kala duwan, madaama oo dad xanuuno kala duwan qaba ay u fidinayaan gargaaro deg deg ah.

2:Macalinnimada:daraasadan ayaa lagu sheegay in macalimiintu yihiin kuwa ugu badan ee uu ku dhaco isku yaaca dhanka maskaxda ah iyo sidoo kalena  , waxa kale oo ay khubaradani sheegeen in 87%  kamid ah macalimiintaasi ay ka la kulmaan isku yaac dhanka hurdada ah iyo sidoo kalena 70 % ay  la kulmaan madax xanuun tiro badan.

3:Dadka Ka Shaqeeya Meelaha Hilibka  Iyo Khudaarta :kaalinta saddexaad waxa galay dadka ka shaqeeya hilibka qalitaankiisa iyo sidoo kalena khudaarta, waxaanay khubaradani sheegeen inay mar walba  la kulmi karaan Bacteria kala duwan oo ay hilibkaasi kala kulmi karaan.

Bacteria-daas iyo  Parasites kaasi waxa uu ku keeni karaa marwalba  xanuuno kala duwan , waxaanay dadkaasi u baahan yihiin inta badan dawooyin dheeraada oo ay isticmaalaan.

4:Time Jaraha :dadka timaha jara ee loo yaqaano Rayiisleyaasha  ayaa inta badan la kulma qoor xanuunka iyo  sidoo kalena dhabar xanuunka, iyada oo sidoo kalena ay xanuuno badan ku sababto mudada badan ee ay taagan yihiin.

Dadka inta badan timaha jaraa waxay 30% ka cawdaan dhabar xanuun badan oo ay ka qaadaan istaagaasi faraha badan ee ay taagan yihin inta ay shaqada ku jiraan, waxa kale oo ay ka cawdaan 25% dadkaasi madax xanuun badan oo ay la kulmaan.

5:Jaaska Iyo Ciyaaraha:jaaska ciyaara iyo dadka kale ee ciyaaraha  kala duwan ciyaara ayaa iyaguna inta badan ka cawda kala goysyada oo ay xanuun ka dareemaan, kuwaas oo mararka qaarkood sababa inay curyaamaan ama uu socodkoodu noqdo mid meesha ka baxa.

 

 

 

Leave a Reply