Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka Hadlay Taageerada uu u Hayo Wada-hadallada u Socda Somaliland iyo Khaatumo

0
338

Hargeysa(Dawan)- Garaadlka Guud ee Gobollada Sool iyo Buuhoodle,  Garaad Jamaac Garaad Cali Garaad Jaamac, ayaa ka hadlay kulan magaaladda Dubai ee waddanka isku tagga imaaraadka Carabta ku dhex maray isaga iyo wefti Wasiirka madaxtoyada Somaliland hoggaaminayey.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo khadka Telefoonka ugu waramay Telefishanka Somalinewstv isaga oo ku sugan waddanka Imaaraadka Carabta, ayaa waxa uu sidoo kale ka hadlay wada hadallada muddooyinkii u dambeeyey u socday Somaliland iyo Khaatumo oo uu sheegay in uu si buuxda u taageersan yahay, waxanuu wax laga xumaado ku tilmaamay weerarkii madaarka Buuhoodle ay ku qaadeen ciidammadii diiday in Cali Khaliif ka dhoofo.

Garaad Jaamac oo ugu horayn ka hadlaya kulanka ay Imaaradka ku yeesheen isaga iyo weftiga Somaliland waxa uu yidhi;  “Wasiirka madaxtooyada ee Somaliland iyo Guddoomiye  Faysal Cali Waraabe, waanu isku aragnay Dubai, meel Mall ah  (suuq ah)  masjid ku yaalla ayaanu isku aragnay, waanu ku ballanay ka dibna waanu wada qadaynay oo kaftan siyaasadeed iyo mid aanu ku xaajoonaynay  iyo mid aanu go’aamo ku kala qaadanaynay  iyo mid aanu heshiis ku gaadhnay midnaba ma ahayn, kulan qado ah oo aanu isku aragnay ayuun buu ahaa,waxaanu isla soo dhaweynay in la taageero wada hadalka u socda Khaatumo iyo Somaliland, wada hadallada waan taageersanahay waan soo dhaweeyey hase yeeshee haddaanu Khaatumo nahay hawshu way noo qaybsan tahay, maamul ayaa jira oo maamul ayaa hawsha wadda iyaga  ayaanu uga dambaynaa oo waxa ay soo gaadho noo soo gudbin doonta waxa ay isla gaadhaan Somaliland.

Markaas ayaanu eegi doonnaa marka ay noo soo gudbiyaan, laakiin iyaga ayaa hadda wada, waxaanu uga dambaynaa u daba fadhinaa oo aanu u igmanay, hawshaas wada hadalka maamulka Khaatumo, maamulkayaguna waa ka khaatumo Somaliland ma aha.”

 

“Siyaadda kama masuul nihin waxaanu u samaynay hoggaan oo ilaa SSC cid baanu kolba u samaynaynay oo aanu ku garab taagnayn, hawshaas siyaasaddana nooga gacma dhuudhuubnayd, imikana cidda siyasadda noogama masuulka ahi waa maamulka Khaatumo oo iyaga ayaanu kula xisaabtamaynaa, una daba fadhinaa oo meesha ay reerka ku furan aanu ka hubinaynaa, annagu dhaqan ayaanu nahay oo aanu ku ilaalinaynaa meesha ay na geeyaan siyaasiyiinto oo aanu ku daba joognaa, Hadaanu nahay Madaxdhaqameedka inta aan ogahay waa intii aanu maamulka Khaatumo wada samaynay ee aanu Taleex ku wada samaynay  tii aanu ku guddoominay shirka ayaanan illaa maanta taaganahay, madaxdhaqameedka diiday wada hadalka Khaatumo iyo Somaliland-na iyaga ayaa sheegi waxa ay ugu bedaleen dadka arrinkaas, madaxdhaqameedkii shiray ee diiday wada hadalkana anigu  lama socon,” ayuu yidhi Garaad Jaamac.

 

Garaadka Guud oo wax laga waydiyey weerarkii Cali Klaliif Gallaydh lagu qaaday ee loogu diiday in uu Buuhoodle ka dhoofo dibna ugu laabto, waxa uu yidhi “Nasiib darro ayey ahayd deegaanku waa deegaan nabadgelyo ah,dedaal badan iyo dhaqaale badan ayaa galay in madaarka Buuhoodle la sameeyo, in si yar loo carqaladeeyo madaarkaas magaciisii,  amaankiisii iyo danihii ay dadku ku qabsanayeen aad iyo aad ayaa looga xumaaday, shacabka  reer Buuhoodle waad arkayseen sidii ay uga dhiidhiyeen, arrintana dhawr qof iyo shaqsiyad meelo kale laga soo abaabulay ayaa ka dambeeyey, mid ay reer Buuhoodle qoys iyo qabiil ka dambeeyeen ma ahayn, aad ayaanu uga xunnahay sidii hawshaas loo daweyn lahaa ee aanay  dib u dhacdeenna gacanta ayaa lagau hayaa.”

Garaad Jaamac oo la waydiiyey in haddii ay wada hadallada Somaliland iyo Khaaumo guulaystaan ay wax iska bedelayaan fikirkiisii hore, waxaanu yidhi; “Ka hor dhici maayo aynu aragno wada hadal ayaa socda marba meesha uu marayo iyo waxa ka soo baxa ayuu go’aankaygu noqonayaa, laakiin mid mar walba go’aankaygu wuu yahay  dadkan taladooda iyo degaankooda in ay xor u yihiin, haddii nabadgelyo kagu gaadhayo fa-lilaahil Xamdu, haddii nabadgelyo lagu waayana sidii kale ee lagu dooni karaba diyaar ayaanu u nahay.”

Garaad Jaamac waxa uu ka hadlay colaadaha ka dhex oogan beelaha  obolka Sool waxaanu yidhi; “Muddo colaad  ayaa ka taagnayd koonfurta gobolka Sool oo ay culimo isku taagtay, waxaan ugu baaqayaa in ay aqbalaan culimada oo ay qaataan xabad joojin aan shuruud ku xidhnayn, in wadooyinka nabadda lagu raadinayo culimadaasi soo bandhigaan, waxaan ugu baaqayaa in ay nabadda qaataan, waxaan dhaleecaynayaa falkii waxshinimada ahaa ee ay ciidamda Somaliland ku laayeen dadka deegaanka kalabaydh, waan ku dhaleecaynayaa ciidanka Somaliland falkaas foosha xun ee ay ka geysteen kalabaydh, Abaarta ilaahay ayeynu ka baryeynaa in uu inaga jebiyo isaga yaa inaga jebin karo dhammaan deegaanka Soomaalida

ayey abaartaasi ka wada jirtaa dhammaan dadkiinna waan gaadhsiinay in ay u gurmadaan dadka.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply