Somaliland:Xaaladda Abaarta oo Halkii ugu Darnayd Maraysa iyo Nolosha Dadka oo Halis ku Jirta

0
308

Hargeysa(Dawan)-  Guud ahaan gobollada bari ee  Jamhuuriyadda Somalilad, ayay abaartu faro ba’an ku haysaa xoolihiina ay ka baxeen dadkii reer miyiga ahaa ee ku noolaa munaafacaadka Xoolaha isla markaana iyaguna geeri qarka u saaran, ka dib markii ay abaarta ku afar jirsatay ay ka qaaday duunyadii ay ku noolaayeen.

Gobollada  Bariga Saaxil,Togdheer,Sool,Buuhoodle,Sanaag iyo Badhan, ayaa ah gobollada dadka ku nool ee reer miyiga ahi ay halista ugu jiraan in ay ku baxaan abaarta ku habsatay ee dalka oo dhan ku afar jirsatay, taasoo inta badan gobollada bari xoolihii ku noolaa ay ku le’deen abaartan oo noqonaysa tii ugu xumayd ee muddo dheer soo marta dalkan.

 

Waxa kaloo  abaarta ku habsatay Somaliland ay taabatay gobolladii galbeedka ee markii hore la isugu tegay oo xilligan wixii baad iyo calaf xoolaad ahaa ee loogu  tegay  ay dhammaadeen isla markaana uu hadda ka jiro culayska dadkii  soo guurdatada ahaa ee ku soo hayaamay iyo deegaankii uu culaysku ku dhacay.

Madaxweynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa mar labaad hawlgaliyay Guddiga gurmadka abaaraha ee heer qaran oo abaartii kal-hore ka dhacday gobollada galbeedka Somaliland si wanaagsan uga hawlgalay una soo shaqeeyay.  Guddidaas oo ka kooban xubno ka mid ah cullimada waawayn ee dalka, Wasiiro iyo Ganacsato.

Guddiga  gurmadka abaaraha ee heer qaran oo illaa bilawgii abaarta shaqaynayay ayaan sidii gobollada galbeedka ay uga hawlgashay amma ay dadka u abaabushay  aan u muuqan in ay uga hawl gashay abaarta gobollada bari ee dalka oo ah mid  ka adag kana saamayn badan abaartii ka dhacday gobollada galbeedka Somaliland.

Waxay imika nolosha dadku  gobollada bari ee dalka deegaanno ka mid ahi maraysaa in dadka ciddii xoog leh amma dhaqaaqi karaysay in ay dhuxulaysi u dhaqaaqaan oo ay dhirta nolol ka raadiyaan. ka dib markii ay xoolihii ka baxeen  nolol kale oo ay kaga maarmaanna ay waayeen,waxaanay hadda dadka gobolladaasi ee Somaliland oo ay ugu daran yihiin deegaano ka mid ah gobollada Sanaag,Sool  iyo Badhan in ay hadda xaaladda dadku marayso halkii ugu adkayd oo ay geeri qarka u saaran yihiin isla markaana loo baahan yahay in  lagu baraarugo oo dadka loo gurmado.

 

Xukuumadda Somaliland gaar ahaan Guddida gurmadka abaaraha ayaa bilowgii  dedaal badan sameysay, waxaana wejigii koowaad fuliyeen gurmad laxaadle inkasta oo aanay baahida jirta iyo hayntu aanay is waafaqeynin. Ku simaha madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ah Guddoomiyaha Guddidaas, ayaa dhawaan shir uu madaxtooyadda ku qabtay waxa uu xukuumadda, Guddida, Hay’adaha caalamiga ah ku booriyay inay kaalin muuqata ka qaataan samato-bixinta dadka tabaaleysan.

 

Xukuumadu  waxay hore u shaacisay in abaarta ba’an ee ka jirta gobollada bariga dalka iyo meelo ka mid ah galbeedkaba, ay saameysay dad lagu qaddaray 1.5 Milyan oo nus malyuun ka mid ahina ay qarka u saaran yihiin xaalad adag oo u baahan gurmad degdega.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply