Sanadkii 1960 xarunta qaramada midoobay waxa ka dhacay fahdigii 15 aad halka wakhtigan uu ka yahay kii 71aad, waxaana khudbad ka jeediyay madaxweynihii Sofiyeetka (Ruushka) ee waagaasi Nikita Khrushchev. Khudbadiisa ayuu ku yidhi “ Waxaan balan qaadaynaa Maraykanka in aan awoodayada u muujino, waxaana uu isticmaalay Erayga Ruushka ah “Мать Kozka”. Wakhtigaasi ninkii ka turujumayay uma turjumin madaxadii khudbada dhegaysanaysay. Laakiin kelmadan ayaa caan noqotay iyadoo markii danbe lagu qoray dhamaan qunbula duriyihii Sofiyeetka.
Waxa kale oo fadhigaasi ka jeediyay khudbadii ugu dheerayd ee abid laga jeediyo minbarkaasi Fedal Castro madaxweynihii Cuba ee hore , taasi oo socotay 4 saacadood iyo 29 daqiiqo. Waxaana khudbadiisa uu cinwaan uga dhigay “ Falsafadda dagaalku waxay dhamaanaysaa marka ay dhamaato falsafadda boobku”. Waxaana uu si cad u sheegay in marka laga xoroobo falsafadda Boobka ee Galbeedka ay taasi dagaalkuna dhamaanayso. Waxa uu ku dhaliilay madaxweynihii Maraykanka ee waagaasi Kandy isagoo ku sheegay inuu jaahil aan aqoon lahayn oo ka baqanaya taageerada Sofiyeetka ee Cuba. Waxayna noqdeen khudbadihii ugu hanjabaada iyo yaabka badnaa.