Xikmadaha Maanta

0
319

 

Dadka aqoonta lihi waxay ka fadilan yihiin dadka bilaa aqoonta ah sida qofka dhintay iyo qofka nooli u kala duwan yihiin.

Qofka naftiisa ka joojiya wixii ay jeceshay wuu ka adag yahay qof jebiyey cadawgiisa, waayo guul waxaa ugu saraysa adigoo naftaada ka adkaada,

Markaad mar walba naftaada ka dhaadhiciso inaad saxan tahay ogow waadba khaldan tahee.

Markad hawada neefsanayso ogow dadkoo dhamina waa kula wadaagaan,

Waxaanad shaqo ku lahayn ood gashaa waa adigoo galay dagaal aanad hub sidan.

Geedka midhaha badan ogow dad badan ayaa hareero taagan.

Ficil aad qabato ayaa ka sareeya xaga dhawaaqa marmarka qaarkood Qaylo badan,

Jawaabta degan ee debecsani waxay dejisaa cadhada qofka kugu qayliya.

Geedka waxaa lagu gartaa midhihiisu noocay yihiin.

Sidaad u goglato furaashkaaga ayay hurdaadu noqon.

Qofka caqliga badani wuxuu ku dedaalaa inuu xikmada urursado, Jaahilkuna wuxuu moodaa inuu Xikmada ka dhergay.

 

Leave a Reply