Guddidii Xakamaynta Sicir-bararka & Shirkadaha Isgaadhsiinta oo Shaacinaya Go’aamo ay soo Saareen

0
290

Hargeysa(Dawan)- Wasiir ku xigeenka Wasaaradda maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Cali Maxamed Axmed (Cali Dhagoole),  ayaa sheegay in aanay waxba iska bedalin go’aankii ay xukuumaddu ka soo saartay xakamaynta  sicir-bararka iyo sarif bararka  is barkaday ee dalka ka taagan. Waxaanu caddeeyay in dhawaan la shaacin doono go’aamo ay isla gaadheen shirkadaha isgaadhsiinta ee Telesom iyo Somtel oo la xidhiidha amarkii ahaa inay nidaamkooda ka saaraan wixii ka yar Boqol doolar adeegyada Zaad iyo E-dahab.

 

Cali Dhagoole oo shalay la hadlay qaar ka mida warbaahinta,  waxa uu sheegay  in ay fulin doonaan go’aankii xukuumadda ee lagula dagaalamayay sicir bararka iyo kor u kaca qiimaha sarifka doolarka, waxaana uu carabka ku adkeeyay in shirkaddaha Telesom iyo Somtel isla qaateen in wakhti la siiyo ay nidaamkooda kaga saaraan wixii boqol ka yar adeegyada Zaadka iyo E-dahab.

“Waan ka xumahay in dadweynaha si qaldan wax loogu sheego guddidii madaxweynuhu u magacaabay sicir bararku si fiican ayay u socotaa. waxa jira wakhtigan duruufo abaareed. shirkaddaha Telesom iyo Somtel, waanu shirnay go’aan ayaanu isla qaadanay, waxaana loo baahan yahay go’aankaa in golaha Wasiirrada la soo hor dhigo,48-kii saacadood ee aanu u qabanay in lagaga saaro Zaadka iyo Edahab. waxa ay noqdeen wax farsamo ahaan aan macquul ahayn, annaga xil iyo waajibaad ayaa naga saaran in shirkaddaha waawayn ee qaranka u hirgalay in aynaan dhibaatayn, maadaama oo lacagtii qaranku ku jirto, waxaanuna isla eegnay muddo kooban in ay hawshaa ku qabtaan oo raali gelinaya shaqdooda iyo nidaamkooda,”ayuu yidhi Wasiir ku-xigeenku.

 

“Go’aan ayaanu isla qaadanay. waxaanu  jeclaanay in aanaan shacabka muddadaas u faafin, laakiin golaha Wasiirrada aanu ku talo celino oo marka go’aanku ka soo baxo golaha wasiirrada si wada jira shir jaraa’id u qabanno. nasiib daro in tiihawshaasi socotay xubnihii golaha Wasiirada ee ugu miisaanka waynaa ee hawshan hoggaaminayay ee ay ka mid yihiin Wasiirrada Madaxtooyadda iyo  Maaliyadda oo hormood ka ahaa hawshan ayaa safar ku maqan,”ayuu yidhi Wasiir Cali Dhagoole.

Wasiir ku-xigeenka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi, “Dadka dhaleecaynayay golaha Wasiirada qaar ka mida ee ay qorayeen qaar ka mida jaraa’idku, xaasha ayaan leeyahay, wasiirradaasi waa dad nadiifa Samsam iyo Maxamuud Xaashi waa labo qof oo qarankan qaali ku ah. waana ceeb in la aflaagaadeeyo oo meel lagaga dhaco, waxa ay u maqan yihiin qaranka.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply