Shirkadda Nike Ee Dharka Iyo Kabaha Oo Soo Saartay Dhar Ciyaareed Dumarka Muslimiinta U Gaar Ah

0
286

Shirkadda Nike ee soo saarta Kabaha iyo Dharka ayaa soo saartay dhar u gaar aha dumarka Muslimka ah ,kuwaas oo loogu talo galay inay xidhaan waqtiga ay ku jiraan ciyaaraha ama Sports-ka.

Shirkadda ayaa sheegtay inay in muddo ah ku hawlanayd sidii ay u soo saari lahayd dharkan iyo kabahan, si ay dumarka Muslimiinta ahi ugaga qayb qaataan ciyaaraha caalamiga ah ee kala duwan , waxaanu dharkani u samaysan yahay habka Xijaabka oo kale.

Waxaanay dharkani ka samaysan yihiin maryo u kala baxaaya sida caaga oo kale, iyada oo ay noqon doonto gabadha ugu horeysa ee xidhan doontaa gabadh u dhalatay wadanka Imaaraadka Carabta oo lagu magcaabo Sahra Lari, waxaanay maryahan kaga qayb geli doontaa ciyaaraha loo yaqaano  ciyaaraha Winter-ka dalkaasi Koonfurta Kuuriya sannadka 2018-ka.

Dharkana ayaa markii ugu horeysay lagu arkay ciyaarihii Olympics-ka ee ka dhacay wadanka Brazil , iyada oo ay ku ciyaaraysay gabadh u ciyaaraysay wadanka Maraykanka oo Muslim ahayd, laguna magcaabo Ibtijah Muxamed, waxaanay gabadhani ku guulaystay bilada Maarta ah.

Waxay ahayd sannadkii 2014 kii markii loo ogolaaday dumarka Muslimka ahi inay madaxa asturan karaan oo wax saari karaan, waxaana u ogolaaday hay’adda anshaxa ciyaaraha .

Leave a Reply