“Haku Isticmaalo Halka uu Tegayo Lacgtiisa”

0
328

Islaan ayaa Odaygeeda oo ahaa mid aad bakhayl u ah oo aan hatidiisa waxba ka bixinin  uu dhintay markii uu ogaaday in aanu xanuunkan ka kacayn ayuu kula dardaarmay islaantiisa in hantidiisa dhamaanteed isaga lala aaso ka dib markii uu awood u siiyay inay ka saarto sanduuqiisa.

Islaantiisa ayaa balankiisa u fulisay si yaab leh, waxayna markiiba hantidiisii ku jirtay accountkiisa ku wareejisay xisaabtii ay ku lahayd baanka. Markii ay sidaasi samaysay ayay jeegeedii ku qortay lacagtii uu isagu lahaa oo dhan, waxayna jeegaasi raacisay maydkiisa iyadoo tidhi”

Waxaan sidaasi u yeelay in hantida ku qoran jeegaga oo ah hantidiisii  in ay sidaasi ku raacdo oo uu kala baxo halka uu tago ee uu doonayay inuu  ku isticmaalo. Islaanta ayaa sheegtay inay sidaasi u yeeshay  si ay ugu  fuliso dardaarankii odaygeeda  bakhaylka ah ee geeridiisa ka hor ku dardaarmay in maalkiisa oo dhan la raaciyo si aan waxba looga dhaxlin .

Waxaanay  si kooban u tidhi “Dardaarankiisa waan u fuliyay hantidiisiina waan la aasay”. Islaanta  ayaa aad  loola yaabay habka caqliga badan ee ay u fulisay dardaaranka iyadoo aan dayicin hantidii oo weli ku haysata accountkeeda.

Leave a Reply