Maxkamadda oo Aqbashay Xil ka xayuubintii Madaxweynaha K/Kuuriya

0
317

Maxkamadda sare ee Koonfur Kuuriya ayaa  go’aamisay in madaxweyne Park Geun-hye si kama dambays ah xilka looga qaado.

Madaxweynaha waxa dacwad xil ka xayuubin ah ku soo oogay baarlamanka bishii Diisember oo waxa lagu soo oogay eedo ay ka mid yihiin laaluush iyo ku takri fal awoodeed.

Malaayiin qof oo u dhashay dalka Koonfur Kuuriya ayaa Telefishinnada ka daawaday markii ay maxkamadda dastuuriga ahi ridaysay xukunka.

Garsooreyaasha maxkamadda oo siddeed ah ayaa isku raacay in la meelmariyo dalabkii baarlamanka ee ahaa in xilka laga tuuro.

Maxkamaddu waxay hadda awoodaa in dacwad lagu soo oogo maadaama aysan xasaanad haysanin.

Dalkuna wuxu muddo lixdan cisho gudahood ah ku qaban doonaa doorasho madaxtinimo.

 

Leave a Reply