Qaramada Midoobay: Muslimiinta Myanmar aad baa loo Jidhdilay

0
314

Masuul sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in milatariga iyo booliiska Myanmar ay “dambiyo aadanaha ka dhan ah” u gaysteen qawmiyadda laga tirada  badan yahay ee Rohingya ee Muslimiinta ah.

Yanghee Lee oo ay Qaramada Midoobay u xilsaartay warbixinta xuquuqda aadanaha ayaa sidaa u sheegtay warbaahinta.

Aung San Suu Kyi, oo ku dhawaad hal sano talada haysa ayaa diiday in arrintan laga waraysto.

Afhayeen u hadlay xisbigeeda ayaa sheegay in eedaymahani ay yihiin kuwo “laga badbadiyay” isla markaasna ay arrintani tahay mid “gudaha dalka ah” ee aysan ahayn mid “caalami ah”.

Lee si xor ah looguma ogolaanin goobaha ay dhibaatadu ka dhacday ee gudaha Myanmar. Laakiin markii ay la hadashay qaxooti ku sugan Bangaladhesh ayay BBC u sheegtay in xaaladdu “ay ka daran tahay” sidii ay filaysay.

 

“Waxaan dhihi lahaa waa dambi aadanaha ka dhan ah. Xaqiiqadii waa dambiyo aadanaha ka dhan ah, kuwaas oo ay gaysteen milatariga Myanmar, ilaalada xuduudaha, ama booliiska amaba laamaha ammaanka.”

Waxay sheegtay in dhibaatada tacadiyadu ay yihiin kuwo aan “loo kala aabo yeelin” kuwaas oo ay laamaha ammaanka gaysteen, waxay sheegtay in loo baahan yahay in xukuumadda la doortay ee Aung San Suu Kyi ay qaadato qaar ka mid ah masuuliyadda.

Leave a Reply