Muxuu Bas Baasku U Noqday Mid Ina Guba Markaynu Cunno?

0
311

Daraasad ay dhowaan sameeyeen khubaro saynisyahano ah ayaa lagu ogaadey sababta inta badan keenta inuu Bas baasku noqdo mid kulul marka aynu cunno, waxaanay natiijada daraasadan khubaradani ku sheegeen inay jirto maado ku jirta bas baaska oo ka dhigta mid kulul.

Khubaradan oo ka socotay jaamacadda  Harvard University ayaa sheegay in maadada loo yaqaano  Capsaicin oo ah maado kiimiko ah oo ku jirta Basbaasku ay tahay mida sababta inuu noqdo Basbaasku mid kulul.

Khubaradan oo warbixintan ku daabacay wargeyska Telegraph oo uu kazoo xigtay wargeyska Dawan ayaa sheegay in marka aynu cuno bas baaska ay maadadan Capsaicin  soo dayso  dheecaano badan oo sababa in uu afku soo daayo candhuuf badan, kuwaas oo ay ku jiraan unugyada loo yaqaano TRPV1 oo iyaguna wada gaadhsiiya afka iyo carabka.

Waxaanay TRPV1 ka dhigaan candhuuftaasi mid kulul, iyada oo sidoo kalena carabka iyo afka kulaylkaasi ka dhigta, waxaanay isla markaaba  maskaxda u dirtaa fariin ah in afkii gubanaayo,waxaanay taasi keentaa inay maskaxdu si deg deg ah usoo jawaab celiso.

Khubaradan ayaa sheegay  in jawaab celintaasi ay noqoto mid keenta inuu qofku biyo cabo ama tufo waxa uu cunaayo laftiisa.

Maadadan ama dhecaankan Kiimikada ah ee Capsaicin ayaa marka horeba geedkaasi u samaystaa si ay ugu noqoto ka hor tag uu iskaga difaaco waxyaalaha cunaaya.

Leave a Reply