Ragga Oo Qaarkood La Ogaadey Inay Bidaartu Kusoo Deg Degto

0
335

Khubaro saynisyahano ah oo ka socday jaamacadda Bonn University qaybteeda Cilmibaadhista ayaa  daraasad ay dhowaan soo saareen hordhaca natiijadeeda waxay ku sheegeen in raggu u kala nugul yihiin inay bidaari  gasho, gaar ahaana qaybo raga kamid ah.

Khubaradan ayaa sheegay  in raga gaagaaban ay kusoo deg degto bidaartu, iyaga oo u kala nugul gelitaankeeda, waxaanay natiijada daraasadan ku sheegeen in raggaasi ay hore u waayaan dheecaanada madaxa ku ilaaliya timaha kuwaas oo si fudud uga baxa mada loona waayo.

Waxa kale oo ay intaasi ku dareen in intay daraasada ku jireen ay arkeen ilaa 11,000 oo nin oo ka badbaadey inay timaha waayaan ama ay bidaari gasho, halka ay sidoo kalena arkeen ilaa 12,000 oo nin oo iyaguna waqti horeba waayey timaha, kuwaas oo u badnaa rag gaagaaban.

Waxaanay ku sheegeen khubaradani daraasadan oo ay ku daabaceen wargeyska Nature Comiinucacins oo uu warbixintan kazoo xigtay wargeyska Dawan  in unugyada sababa inuu qofku gaabto iyo sidoo kalena dheecaanadaasi timaha ku ilaaliya madaxa laftoodu ay xidhiidh lee yihiin, kaas laftiisuna uu qayb weyn ka qaato in timahaasi la waayo.

Waxaanay khubaradani sheegeen inay darasaadan sii wadayaan oo soo wada saari doonaan natiijo dhamaystiran dhowaan.

Leave a Reply