Dhul Go’ ku Dilay 48 Qof Duleedka Addis Ababa

0
275

Ugu yaraan  48  qof ayaa dhintay kadib markii uu la go’ay dhul uu ku yaal  god weyn oo qashinka lagu qubo oo ah duleedka Addisababa.

Sida ay sheegayaan saraakiishu tobanaan dad ah ayaa weli la la’yahay  tan iyo markii sabtidii habeenimadii uu dhulkaasi go’ay  oo ku yaal god xashiishka Koshe landfill.

Qof deegaanka ah ayaa sheegay in xilliga shilku dhacay ay goobta ku sugnaayeen 150 qof.

Tiro ah aqallo habeenkii loo hoyanayay  ayaa haatan ku aasmay boqolaal tan oo xashiish ah hoostooda.

Dhulkaasi go’ay  ayaa  u  soo ahaa  Addisababa  meel qashinka lagu soo qubo in kabadan kontonkii sano ee u danbeeyay.

Haweenay u hadashay caasimada Addisababa ayaa u sheegtay  wakaalada wararka AP in ay carruur badani ku jirtey  dadka shilku haleelay.

Waxa iyana jirta cabsi ah in ay dhimashadu intaa ka sii badato.

for news about their loved ones

Musa Suleiman Abdulah oo deegaanka ah ayaa u sheegay  AFP inuu  maqlay sanqadh weyn,kadibna arkay wax sida duufaanka oo kale ah oo ku soo socda markii uu dhul go’o dhacayay.

 

Tebeju Asres ayaa isna sheegay in aqalkii qoyskooda  oo dhan uu liqay dhul go’ii , xilligaasi oo ay ku jireen hooyadii iyo saddex hablood oo walaalihii ah,imminkana aanu garaneyn wax ay ku danbeeyeen.

Boqolaal qof ayaa isku daya in ay wax ka raadsadaan qashinka la soo qubo oo ay ka baadhaan xashiishka wax u iibsami kara, sidaasna waxa soo weriyay weriyaha BBC Emmanuel Igunza ee Addis Ababa.

Dadka qaar ayaa la sheegayaa in ayba si rasmi ah u degen yihiin  god xashiishka.

 

Leave a Reply