la Tacaalidda Shiinaha ee Dadka u Ololeeya Xuquuqal insaanka

0
291

Maxkamadda sare ee dalka Shiinaha ayaa sheegtey in mid ka mid ah guulaha ugu waa weyn ee ay sanadkii la soo dhaafay gaadhay uu noqday xidhista dadka ay ku sheegeen xukun diidka, balse u dooda xuquuqal insaanka.

Warbixin uu baarlamanka u gudbiyey garsooraha maxkamadda sare Zhou Shifeng ayuu ku sheegey ciqaabta adag ee lagu xukumey dadka xukun-diidka ah ee ay u arkeen in ay khatar geliyeen amaanka wadanka,

Ururka u dooda xuquuqda bani’aadanka ee Amnesty International ayaa sheegtey in xadhiga dadka u olololeeya xuquuqda aadanaha ay tahay arrin siyaasadeysan,

Zhou Shifeng, oo ah qareen isla markaana u ololeeya xuquuqda dadka, ayaa ka mid ahaa shakhsiyaadka ay dowladdu ku faraxday in xabsiga la dhigo.

Bishii Agosto ee la soo dhaafay ayaa Zhou Shifeng waxaa fallaaganimo loogu xukumay toddoba sano oo xadhig ah.

Waxaa sii kordhayay xadhigga dadka ka soo horjeeda dowladda tan iyo markii Xi Jinping uu xilka madaxweynenimada la wareegay.

Warbixin uu horgeeyay baarlamanka ayuu guddoomiyaha maxkamadda sare, Zhou Qiang, waxa uu ku sheegay in ay sare u qaadeen ciqaabta culus ee ka dhanka ah shakhsiyaadka la rumaysan yahay in ay khatar galiyeen ammaanka Qaranka.

Waxa uu intaa ku daray in xadhigga Zhou Shifeng uu ahaa tusaale aad u wanaagsan.

Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in mowjadaha maxkamadaynta ah ee ka dhanka ah dadka u ololeeya xuquuqda aadanahay ay aheyd mid siyaasadaysan.

Hasayeeshee khudbad uu dhawaan jeediyay guddoomiyaha maxkamadda sare, Zhou Qiang, ayuu ku beeniyay in hannaanka cadaaladda ee Shiinuhu uusan madaxbannaanayn.

Doorka ugu muhiimsan ee hannaankan ayaa ah in la ilaaliyo sharciga xisbiga shuuciga ee haya talada dalkaasi Shiinaha.

In la xidho dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa waxa ay qeyb ka tahay shaqadaasi.

 

Leave a Reply