Wasiirka Duulista oo Shaaciyay Xilliga la Bilaabayo Dib u Dhiska Madaarka Burco

0
257

Hargaysa(Dawan)- Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Somaliland,ayaa shaacisay xilliga rasmiga ah ee la bilaabayo dib u dhiska dhabbaha diyaaraduhu ka haadaan ee madaarka Burco.

Kulan ay shalay wada yeesheen madaxda Wasaaradda Duulista Hawada iyo gaadiidka cirka iyo  madaxda Shirikada Dhismaha ee Somaliland Hono Group Construction ayay ku kala   saxeexdeen  qandaraas lagu dhisayo Runway-ga Madaarka Magaalada Burco.

kulan saddex geesood ah oo ay ka qaybgaleen Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada Iyo Gaadiidka Cirka, Farxaan Aadan Haybe oo ay weheliyaan Wasiir Kuxigeenka Wasaaradaasi Guuleed Maxamed Shire, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Cumar Cabdilaahi Aadan, Guddoomiayaha Guddiga dib  u dhiska Madaarka Burco, Cali Maxamed Axmed (Mawliid) oo uu weheliyo guddoomiye ku-xigeenkiisa  Yaasiin Maxamed Shide, Maareeyaha Somaliland Hono Group Construction, Cabdirisaaq Jaamac Ismaaciil (Cumaani) iyo masuuliyiin kale oo shirkaddiisa ka socda ayaa shalay lagu  kala saxeexday dib u dhiska madaarka Burco.

Wasiirka Duulista Hawada iyo  Gaadiidka Cirka Somaliland Farxaan Aadan Haybe, waxaanu yidhi, “Maanta(shalay) waa maalin taariikhiya oo sharaf wayn bay inoo tahay waa Alle  mahadii haddii aynu kala saxeexanay heshiiskii bilowga dhismaha Madaarka Burco ee ahaa Runway-ga,  Taxi-wa -ga iyo Apron-ka oo ah dhabbayaasha ay isticmaalaan diyaaraduhu. Shirkaddii qandaraaska hore loo siiyay  ayaanu dib isula  eegnay maadaama heshiiskii hore muddadiisii uu dhaafay in kan rasmiga ah dib aanu u saxeexno waxaanay noqonaysaa in loo bilaabo si rasmiya dhismihiisa 1-da Bisha April.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply