Cirro oo Sheegay Inaanay Ansixinayn Xeer Lid ku ah Dastuurka

0
298

Hargeysa (Dawan)- Murrashaxa  Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka hadlay, xeerka bangiyadda ganacsiga  iyo marti qaad uu ka helay dalka Ingiriiska.

 

Guddoomiye Cirro ayaa si adag uga hadlay xeerka bangiyadda ganacsiga  oo goluhu ansixiyay in lagu daro ajandaha kalfadhigoodan  hadda bilaabmay waxaanu  sheegay in goluhu ogalaan doonin wax kasta oo ka soo horjeeda diinta Islaamka iyo dastuurka dalka waxaannu yidhi, “Xeerka bangiyadda waxa uu golaha yaalay muddo toban sanno ah waxaana lala doonayey in la waafajiyo diinta Islaamka, golaha wakiilladu horena uma ansixin haddana ansixin maayaan wax kasta oo ka hor jeeda Dastuurka iyo diinta Islaamka.”

 

Guddoomiye Cirro, waxa uu  sheegay  in uu safar ugu bixayo maanta  dalka Ingiriiska oo uu marti qaad rasmiya ka helay hoyga falanqaynta siyaasadda ee Chatam House. “Waxaan marti qaad rasmiya ka helay guriga arrimaha Siyaasada lagu falanqeeyo ee Chatam House oo ku yaalla magaalada London oo inta badan lagu marti qaado madaxda iyo siyaasiyinta, waxaan kaga hadli doono geedi socodka dimuqraadiyadda Somaliland, gaar ahaan arrimaha doorsahada iyo abaaraha,”ayuu yidhi Guddoomiye Cirro oo waramayay HCTV

 

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply