Xooluhu waa Nolosheena, Nolosheenuna waa Xoolaha

0
2330

Guud ahaan caalamka dal kastaaba waxaa uu ku horumaraa waxa koobaad ee ay haystaan ama ay tanti u leeyihiin taasoo  wax wayn ka tarta nolosha dad iyo dale e waddankaasi uu leeyahay taasina waxay dalkaa ka dhigtaa mid isku filan oo daboolaa baahiyo badan oo ay leeyihiin.

Dal kastaa khyaraadka uu dalalka kale dheeryahay  marka uu ka faa,iideeyo  waxaa uu caalamka kale  kaga horumaraa dhamaan khayraadka uu leeyahay oo uu u iibgeeyo sayladaha caalamka.

Hadaba dalkeena Somaliland waxaa uu hanta u leeyahay dhaqashada Xoolaha nool oo ah hanta aynu gaar u leenahay isla markaana aynu dhaqmaadka Xoolaha nool ee aynu gaarka u leenahay ayaa ah mid aynu caalamka intiisa kale dheernahay oo aynu ku nool nahay isla markaana ku tiirsan tahay nolosheenu.

Hadaba xoolaha nool ee aynu dhaqano ee nimcoolayda inoo ah ayaa u baahan in aynu ka faa,iidaysano isla markaana aynu ogaano in ay tay khayraad aynu leenahay oo u baahan in aynu horumarino kana faa,iidayno.

Waxaa kale oo aynu u baahanahay in aynu si dhab ah u uga midho dhalino wax ka bedelka  sida aynu maant dhaqmaadka xoolaha waxaa hubaal  ah haddii aynu horumarino xoolaha nool in ay nolosheenu horumar balaadhan ka gaadhayso dhanka isku filnaanshaha isla markaana aynu noqonayno umad is bixisa oo nolol ahaan is bixin kara.

Xoolaha nool ee aynu dhaqano ayaa ah il dhaqaale oo aynu ku nool nahay isla markaana ku nool nahay oo dhaqaale ahaan iyo nolol ahaanba inagu filan.

Waxaa loo baahan yahay In xoolo dhaqatada iyo xoolo dhoofisada ka  Ganacsata dhoofinta Xoolaha ayaa looga  baahan yahay in ay horumariyaan ka ganacsiga xoolaha oo ay suuq geeyaan waxaana looga  baahan yahay in ay wax ka wada eegaan dhanka wanaagsan si ay u helaan suuqyo wanaagsan.

Hddii  aynu nahay ummadda reer Somaliland  Xooluhu waa nolosheena nolosheenuna waa Xoolaha markaa waxaa loo baahan yahay in aynu ka wada midho dhalino xoolaha iyo faa,iidooyonkooda.

Habada iyadoo ay Xooluhu munaafacaad aad u tiro badan oo kala duwana ay inoo leeyihiin ayaynaan ka faa,iidaysan isal markaana aynu ku koobnay faa,iidada aynu soofka Xoolaha ku qabno in aynu ku koobno oo kaliya CAD,Caano iyo Subag laakiin waxaa hubaal ah in ay intaa faa,iidooyin ka badan ay inoo leeyihiin isla markaana aynu dhaqaale xaddi badan ka soo saari karno waxyaabo badan oo aynu imika iska daadino oo ka mid ah xoolaha ama aynu lacag aad u yar ku iibino oo ka dibna iyaga oo qaali ah dib inoogu soo noqda.

Haragga Xoolaha ayaa ah mid aad qiimo wayn uga jooga sayladaha caalamka isla markaana marka la farsameeyo laga sameeyo waxyaabo aad u tiro badan oo ah guud ahaan alaabooyinka loo yaqaano Maaska,kuwaasoo ay ka mid yihiin kala ugu qaalisan caalamka,suumanka,shandadaha iyo waxyaabo kale oo dhamaantood ah waxyaabaha aynu dibada kala soo degno inagoo maalin kasta Hargaha xoolaha aynu qalano si yar oo qiimo jaban iyagoo duuduub ah ay inagu dhaafaan oo shilimaad yar ku iibina.

Hadaba goorma ayaynu ka faa,iidaysanaynaa khayraadka aynu leenahay ee aynu sida qashinka u daadino ee ah hargaha xooleheena.ma ogtahay akhriste in haraga xooleheenu  uu inagu dhaafo qiimo aad u jaban isla markaana marka la farsameeyo ee waxyaabaha laga soo sameeyay ay dib inoogu soo noqdaan shandada yare e jeebka lagu qaataa in ay ka qaalisan tahay harag dhan oo xoolaad inta aynu ku iibino.

Hadaba waxaa loo baahan yahay in ganacsatada dalka ee xoolaha iyo hargaha dhoofintooda ka ganacsadaa in ay la yimaadaan hal abuur ka wax tar wanaagsan sida ay imika uga macaashaan iibinta Hargaha oo ah waxay ka helaan wax yar oo aan u dhigmin hargaha xooluhu qiimaha ay leeyihiin.

Waxaana habboon in tijaarteenu ay  hal abuur ganacsi la yimaadaan oo ay horumariyaan ganacsigooda isla markaana dalka ka hir galiyaan warshado farsameeya Hargaha Xoolaha oo u rogga MAAS soona saari kara Maas iyo kuwo kale oo samayn kara  noocyada kabaha kala duwan taasoo dalka ka hir galin karta wershado ku tiirsan Hargaha Xoolaha isla markaana dhaqaale aad u tiro badan oo imika dibada inooga baxa inoo baajin karta,waxaa kale oo ay dalka ka hir galinaysaa haddii hal abuur maskax ku dhisan lagaga faa,iideeyo Hargaha Xoolaha in ay dad badani ka helaan shaqo oo ay dhanka shaqo la,aantana ay wax wayn ka tarto.

Hadaba waxaa la gudboon Xukuumadda Somaliland oo ay masuul uga tahay dhanka ganacsiga Wasaaradda ganacsigu in ay ganacsatada waxyaabo aad u tiro badan oo qiimo badan oo shilimaad  yar inagu dhaafa oo dalka dhaqaalihiisana wax wayn ka taraya in ay ganacsatada qorshe siyaasadeed lagu horumarinayo u jaan goyso isla markaana ku dhiiri  galiso in dalka laga hir galiyo wershado soo saara Maaska  isla markaana la helo ganacsato hantidooda ku maal gashada wershado wax soo saar oo ugu yaraan inoo soo saara qaybo ka mid ah  kabaha aynu illano iyo alaabooyin kale oo tiro badan oo Hargaha  Xoolaha oo la warshadeeyay o Maas laga dhigay laga samayn karo.

Ugu dambayn qormada Xoolaha ee todobaadkan waxaan ku dhiiri galinaynaa in Hargaha Xoolaha aynu ka faa,iidaysano oo aanay inagu dhaafin sida qiimaha jaban ee ay imika inagaga dhoofaan.

Waa hubaal haddii ay tijaartu dalka Maalgashiga wershadaha Maaska iyo wax soo saarka kabaha ka hir galiyaan in ay badbaadinayaan dhaqaale badan oo imika dibada inooga baxa isal markaana ay horseedayaan shaqo abuur ka qayb qaadanaya koboca dhaqaale ee dalka.

Hadaba diyaar ma u nahay in aynu dhanka wershadaynta munaacafaadka Xoolaha u dhaqaaqno mise Cad,Caano iyo Subag  oo kaliya ayaynu xoolaha ka dheefsanaa iyo in aynu neefka oo duuduuban oo nool dhoofino? Su,aashaa jawaabteeda waxaan u dayn doonaa mustaqbalka dhaw iyo siday u fahmaan tijaarta dhoofinta Hargaha Xoolaha ka shaqaystaa.

 

Leave a Reply