Cunsuriga Holand oo ka Faa’ideysanaya KhiLaafka Turkiga

0
262

Cunsuriga reer Holland Geert Wilders oo hogaamiya Xisbiga PVV ayaa  isaga oo ka faa’ideystay xurguftii dhex martay dalalka Holland iyo turkiga wuxuu qarka u saaran yahay inuu codod badan ku helo Ajaanib naceybka .

Geert Wilders oo loogu magac daray Donald Trump-ka Qaarada Yurub ayaa waxa uu ku doodayaa inuu xidhi doono Masaajido badan iyo goobaha Quraanka lagu barto .

Ninkan 53 jir ah wuxuu mudo aad u dheer ku soo jiray olale ah in uu mar uun xil adag ka qabto dalka Holland kaas oo aan qarsan naceybka uu u qabo Ajaanibta gaar ahaan dadka Islaamka.

Ra’isul Wasaaraha dalka Holland ee iminka talada haya Mr. Mark Rutte ayaa dhanka codadka wax yar ku horeeya , balse wuxuu ka codsaday shacab weynaha reer Holland inaysan dalkooda u gacan galin ruux naceyb ka buuxo maadaama Holland looga bartay soo dhaweynta umadaha kala duwan .

Leave a Reply