Xukuumadda Somaliland oo ka Joojisay Xisbiga WADDANI Shir Lagu Kicinayay Dadweynaha

0
273

Hargeysa(Dawan)- Xukuumadda  Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa  ayaa joojisay kulan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI doonayeen inay shalay ku qabsadaan Huteelka Maansoor ee caasimada Hargeysa, oo ay kaga hadli lahaayeen wax ay ugu yeedheen dhibaatooyinka laga dhaxli doono saldhigga millatari ee madaarka Berbera laga siiyay dawladda Imaaraadka carabta.

Wasiiru-dawlaha amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Maxamed Muuse Diiriye, ayaa qoraal uu  u kala diray 13.3.2017, mulkiileyaasha Huteelada waaweyn ee  dalka, isla markaana ogaysiin lagu siiyay Guddoomiyeyaasha gobollada wadanka iyo taliyaha ciidammada booliska, waxaannu qoraalkaasi u dhignaa sidan:-

“Mudanayaal, Sida aad la socotaan waxaa baryahan dambe dalka ku soo badanaya shirar lidi ku ah, oo ka hor imanaya nabad-gelyada iyo mashaariicda  horumarumarineed ee dalka ka socda, kuwaas oo lagu qabto Huteelada waaweyn ee dalka shirarkaas oo la rabo in lagu kiciyo bulshada Somaliland si khalad ahna wax loogu sheego.

Inkasta oo dalkeennu yahay dal Dimuquraadiya, haddana wixii nabad-gelyada ka hor imanaya cidna laga yeeli mayo, sidaas darteed laga bilaabo taariikhda  qoraalkan (13.3.2017),  waxaa reeban shirarkaas aynu kor ku soo sheegnay  in lagu qabto Huteeladiinna, in wax laga qabto cid kasta oo ka hor timaada qoraalkan isla markaana u ogolaata in wax lagu qabto Huteeladooda waxaa lag qaadi doona tallaabo adag waxaana la hor geyn doona sharciga.”

 

Sidoo kalena, Wasiiru-dawlaha amniga, Maxamed Muuse Diiriye, ayaa  xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ku eedeeyay inay isku mawqif yihiin dawladda Muqdisho oo ay ka midaysan yihiin sidii ay isku hortaagi lahaayeen mashaariicda horumarinta ee Somaliland ka socda;

“Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI,  wuxuu la xulafoobay caddawgeennii,  halka ay naga taagan yihiin ayuu  ka taagan yahay qarankan, sababtoo ah kama fiirsanayo waxan socda oo hawshan la qabanayo in la dhiciseeyo ayuu doonayaa. markay sidaas tahay maadaama oo  aanu nahay wasaaradii amniga,  waxaannu soo saarnay waraaq aanu u qoray Hudheelada, waxaanu  nidhi ninkii doonaya in uu wax qabsado ha ku qabsado xafiiskiisa,”ayuu yidhi Wasiir Maxamed Muuse oo shalay u warramay HCTV.

Wasiiru-dawlaha oo hadalkiisa sii watay wuxuu  intaas ku daray; “Xili xasaasiya ayaynu joognaa oo  dekedii Berbera waxaynu ku wareejinay  DP World, in Berbera saldhig laga siiyo Imaaraadka oo ah dal aynu saaxiib nahay ayay  ansixiyeen xildhibaannadeennii. waa kii Farmaajo (Madaxweynaha Soomaaliya) tagey Sucuudiga ee ku yidhi naga qabta Imaaraadka, waana la ogaa. Soomaaliya waynu ka goosanay  ninka fikirka Soomaaliya ay qabto qabaa wuxuu  duminayaa qaranka.”

 

 

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa ku dooday in aanay wax Somaliland dhibaato u keenaya kaga hadlaynin kulankii laga joojiyay inay ku qabsadaan Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, waxaanu naqdiyay xukuumadda.

 

 

Cali Sanyare oo  isna ka tirsan WADDANI, ayaa tallaabo fool xun ku sifeeyay xafladaas loo diiyay, waxaannu yidhi; “Hudheelku waxaa uu naga kireeyey hool, hoolkii baa dadkii  yimaadeen. qaar kale oo imanayayna albaabka  ayaa loogu sheegay shirkii  inaanu jirin, qaar badana waa la celiyay.  annaga oo ku jirana waa na lagu qufulay hoolkii, waanu la yaabnay waana arrin aad iyo aad u fool-xun.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply