Hargeysa (Dawan)- Kooxda Fannaantii Xidigaha Geeska oo ka dhisan caasimada Hargeysa ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa kooxda ka saaray fannaaniin hore uga tirsanaa isla markaana qaatay fannaaniin kale oo ku soo biirtay doortayna Hoggaan cusub.
Afhayeenka kooxda Abwaan Cabdirisaaq Xaamud Caydiid (Jaylaani) oo wargayska Dawan u xaqiijiyay wax ka bedelka ay ku sameeyeen xubnaha kooxda fanka ee Xigigaha Geeska,ayaa sheeay in kooxda laga saaray afar fannaan oo ka tirsanaa kooxda oo uu sheegay in ay ku gefeen sharciga kooxda labadaa fannaan oo kala ah Yurub Maxamed Cabdilaahi (Yurub Geenyo) iyo Nimcaan Cabdiraxmaan Xasan (Nimcaan Hilaac) ,Hodan Cabdiraxaam Dheere iyo Yuusuf Hanad isaga oo arrinta ka hadlayayna wuxuu yidhi; “ Waxaa jira xubno waayey xubinnimadii kooxda afar Fannaan oo kala ah Yurub Maxamed Cabdilaahi , Hodan Cabdiraxaam Dheere, Nimcaan Cabdiraxmaan Xasan iyo Yuusuf Hanad.” , wax ka baxsan xeerka kooxda oo ay xubinimaddii ku waayeen ma jirto.”
Kooxda Xidigaha geeska ayaa sidoo kale magaacabay bedalka Fannaanintii ay kooxda ka saareen waxaanu yidhi; “Kooxda waxaa lagusoo daray lix xubnood oo cusub oo uu xeerka kooxdu Fasaxay , waxaana ka mid ah Xuseen Kaafi , Axmed Aarshe, Barwaaqo Qalanjo, Asma , Ugbaad iyo Maxamed Yare oo farsamada ah “
Fannaanka Maxamed Siciid Bk oo hore kooxda looga saaray ayaa dib loogu soo celiyey ka dib markii sifo khalad ah kooxda lagaga saaray , Cabdirisaaq Jaylaani ayaa Dawan u sheegay in uu khalad dhacay oo dib loo saxay haddana kooxda uu dib ugu soo noqday Maxamed Siciid Bk.
Ugu danbayntii kooxda ayaa doortay Maamul cusub waxaanay Guddoomiye mar labaad u doorteen Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax; “Axmed Ibaraahim Furinle oo ahaa guddoomiyaha kooxda xidigaha geeska ahna xubinta ugu shaqada badan kooxda iyada oo aan gaadhin xil dhammaadkiisa maamul waxaa lagu wareejiyey oo loo doortay Guddoomiyaha Kooxad Xasan Dhuxul Laabsaalax si uu culaysku u yaarado,” ayuu yidhi Cabdirisaaq Xaamud.
Fannaaniinta kooxda laga saaray ee Yurub Maxamed Cabdilaahi (Geenyo) iyo Nimcaan Cabdiraxaam Xasan (Hilaac) ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya halkaas oo ay ku qabteen bandhig faneedyo ay ugu dabaal degayeen guusha Madaxweynaha loo doortay Soomaaliya, Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.
Dawannews Hargeysa office