Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Dawladda Imaaraadka Carabta kala soo Xaajoonaya Adkaynta Cilaaqaadka Labada Dal

0
243

Hargaysa(Dawan)- Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda  Somaliland Md. C/raxmaan C/laahi Ismaacil (Saylici)  iyo wefti uu hoggaaminayay, ayaa safar shaqo ugu kicitimay  dalka  Imaaraadka Carabta gaar ahaan Magaalada Dubai.

 

Waxa socdaalkan  weftiga Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehelinaya, Wasiirrada Arimaha Dibadda, Duulista, Qorshaynta, Hawlaha Guud, Gaashaandhiga, Xidhiidhka Golayaasha  iyo Wasiir ku-xigeennada Madaxtooyada, Maaliyadda.

 

Madaxweyne Ku Xigeenka Jamuuriyada Somaliland oo ka hadlay ujeeddada safarkaasi, ayaa ku  sheegay mid shaqo oo ay dhawar maalmood  ku joogi doonaan Dubai;  “Maanta (shalay) oo ay bishu ahayd  15/03/2017, Ilaahay ayaa mahad leh waxaannu aniga iyo weftigan ballaadhan ee Wasiirrada ahi waxaanu u baxaynaa shaqo qaran, oo aanu ku tagayno  dalka isu-taga Imaaraadka Carabta, oo aanu haddii Alle yidhaahdo  ku maqnaan doono muddo kooban oo aanu ku soo fulin doono hawl qaran,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenka oo warbaahinta la hadlay ka hor intii aanay ka dhoofin madaarka Cigaal ee Magaalada Hargeysa.

 

 

Weftigan  ayaa lagu wadaa  in ay dardargelin doonaan mashaariicda ay dhawaan ugu balan-qaaday dawladda  Imaaraadku  Somaliland iyo sidoo kale sii xoojinta xidhiidhka saaxibtinimo ee ka dhaxeeya labada dal iyo adkaynta Nabad-gelyada.

Dawannews Hargeisa office

Leave a Reply