Xukuumadda oo soo Afjartay Khilaafkii Shaqaalaha Dekedda Berbera iyo DP World

0
278

Berbera(Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo afjartay khilaaf soo kala dhex galay shaqaalaha ka hawldgala Dekedda Berbera qayb ka mid ah iyo Shirkadda DP-World oo sababay in shaqaalahaasi ay shaqada joojiyaan oo ay sameeyaan muddaharaad cabasho ah ka dib markii khilaaf dhanka mushaharka  ah ay isku qabteen shirkadda DP World ee maamusha marsadda.

 

Wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada,  Maxamed Cabdilaahi Obsiiye iyo Ganacsiga Dr. Cumar Shacayb Maxamed iyo Maareeyaha Dekeda Berbera, Axmed Yuusuf Dirir oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Berbera, ayaa sheegay in khilaafkii soo kala dhex galay Shirkadda DP-World iyo Shaqaalaha Dekeda Berbera in xukuumaddu ka hawl gashay isla markaana labada dhinacba  ay dhegaysatay wixii ay ku kala cabanayeen is-fahamna laga gaadhay  la iskuna raacay heshis ay  labada dhanba ku qanceen.

 

 

Wasiirka wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada, Maxamed Cabdilaahi Obsiiye oo arrimahaas ka hadlayayna wuxuu yidhi,  “Khilaafkii soo kala  dhex galay shirkadda DP World iyo shaqaalaha dekedda Berbera  si   is afgarad ah  ayaanu ku dhammaynay  si aad iyo aad u wanaagsan  ayaana layskula fahmay wixii lagu kala cabanayay,waxaanan shacbi weynaha Somaliland iyo shaqaalaha dekedda u caddaynaynaa   in arrintaasi ku dhammaatay jawi is afgarad iyo in shaqadii dekedda halkeedii ka sii socoto.”

 

“Waasarad ahaan-na shaqaalaha rayidka ah  ee dekedda Berbera ka hawl xil baa naga saaran  in aan ilaalinno xuquuqdooda  iyo waxa ay ka cabanayaan  iyo heshiiska ay wada gelayaan shirkadda Dp World,”ayuu yidhi Wasiirka Shaqadu.

 

 

 

Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga caalamiga ah, Dr. Cumar Shucayb Maxamed,  ayaa tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay in aan la joojin shaqada Dekedda isla markaana loo baahan yahay wixii cabasho ah ee soo kordha in laga wada hadlo.

“Maanta (shalay) waxa noo farxad ah  in aannu soo  afjarno arrintii u dhaxaysay shirkadda DP World iyo shaqaalaha dekedda Berbera  dekeduna in badan ayay soo shaqaynaysay  waxaana timid shirkad cusub,waa  wax    adduunyada ka dhaca   waanan qaadanay in aanu qaladka lahayn wixii dhammaystir u baahanaa waanu dhammaystiraynaa  cid kastoo ka soo shaqaysay hawshan   aad baan ugu mahadnaqayaa,  waxaanan leeyahay shaqadu waa innoo muhiim,  waana in aan la joojin shaqada dekedda.  waayo waa dhuuntii dalka wax u soo marayeen guddi ayaana loo sameeyay wixii cabasho ah oo lagala xidhiidhayaa. shaqaaluhuna yaanay u qaadanin in ajaanib maamulayaan   shirkadda DP World xukuumadda ayaa heshiis la gashay  shaqaaluhuna xuquuqdooda way leeyihiin,”ayuu yidhi Wasiirka Ganacsigu.

 

 

 

Mareeyaha  dekedda  Berbera,    Axmed  Yuusuf  Dirir, ayaa isna    dhinaciisa  sheegay in khilaafkaasi uu dhammaaday isla markaana si wanaagsan oo dhinac waliba uu ku qancay in la isu fahmay,waxaannu yidhi “Waxa isfaham buuxa laga gaadhay khilaafkii soo kala dhex galay Shaqaalaha Dekedda iyo shirkadda gacanta ku haysa maamulka Dekeda ee DP World. khilaafkaas oo sababay in shaqadii  istaagto  arrintaasi markay dhacday   xukuumaddu waxay go’aamisay in guddi  ka kooban 8 qof  oo    shaqaalaha  dekedda  ee  joogtada ah  iyo   kuwa muruqmaalka ahi kala xaajoodaan  oo la dhegaysto    waxay ka cabanayaan,xukuumadda   iyo   shirkadda DP world  madaxdeedii iyo guddidii  ka socotay shaqaalaha dekedda Berbera  iyo wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada   ayaa waxay dhegaysteen labada dhinac wixii ay ku cabanayeen.”

Dawannews Hargeisa office

Leave a Reply