Booqashada Boris Johnson ee Kenya

0
270

Xoghayaha arrimaha dibedda ee  UK, Boris Johnson, ayaa maanta booqan doona waqooyiga Kenya, halkaasi oo ay maalmahan ka taagneyd xiisad ka dhalatay dhul boob.

Nin British ah oo lagu magacaabo Tristan Voorspuy ayaa horraantii bishan lagu dilay deegaanka Laikipia, asagoo markaasi indha indhaynayay guryo laga gubay.

Milkiilayaasha seeraha ee deegaanka Laikipia ayaa dalbanaya in wax laga qabto ammaanka, xilli ay dad xoolo dhaqata ah xoog ku haystaan qeybo ka mid ah seerahaasi.

Abaar ba’an ayaa intii muddo ah ka jirtay deegaankaasi, waxaana siyaasiyiinta maxalliga ah lagu eedeeyay in ay xoolo dhaqatada hubaynayaan si ay lo’dooda ugu daaq geystaan seeraha.

Xoghayaha arrimaha dibedda ee UK, Boris Johnson, ayaa deegaankaasi u tegi doona si uu u muujiyo muhiimadda ay leedahay ilaalinta duurjoogta, iyo in uu booqdo xarun tababar oo uu deegaanka ku leeyahay milateriga Britain.

Mr Johnson ayaa sidoo kale ka hadli doona xiisadda ka taagan deegaankaasi, ayadoo bisha August ay Kenya ka dhici doonto doorasho guud.

Waxa uu sidoo kale la kulmi doonaa madaxweyne Kenyatta iyo dhiggiisa Amina Maxamed, ayadoo la filayo in uu kala hadlo xiriirka dhaqaale ee labada dal ka dhexeeya sidii loo xoojin lahaa, xilli ay Britain isu diyaarineyso in ay ka baxdo Midowga Yurub.

 

 

 

Leave a Reply