Sirdoonka Ingiriiska oo ku Tilmaamay Wax lagu Qoslo Eedaynta Trump ee ah Basaasida

0
273

Hay’adda sirdoonka Britain ee GCHQ ayaa ku tilmaantay ”wax lagu qoslo” eedaymaha sheegaya in madaxweyne Obama uu ka dalbaday inay basaasto Donald Trump intii lagu guda jiray ololihii doorashada madaxtinnimada Mareykanka.

Eedaymahani waxaa Khamiistii sheegay afhayeenka madaxweyne Trump, Sean Spicer oo soo xiganayo warar lagu baahiyay talefishin laga leeyahay Mareykanka.

Madaxweyne Trump ayaa mar sii horreysay ku dooday in Obama uu amray in la dhageysato tilifoonadiisa.

Guddiga sirdoonka u qaabilsan aqalka Senetka Mareykanka ayaa sheegay inaysan jirin wax raadad ah oo muujinaya in dawladda Maraykanku ay basaasaysay dhismaha Trump Tower ka hor amaba ka dib doorashadii Maraykanka.

Seneter Richard Burr oo ah gudoomiyaha guddiga senetka u qaabilsan sirdoonka oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray meesha kaga saaray sheegashada ah in si qarsoodi ah loola socday taleefannada Donald Trump.

Balse madaxweyne Trump ayaa wali ku adkaysanayo sheegashadiisa inkastoo uusan la imaanin caddeymo.

 

Leave a Reply