Magaalo Maraykanka ku Taalla oo la Iibinaayo

0
279

Dawlada Maraykanka ayaa ku dhawaaqday inay iibinayso mid kamid ah magaalooyinka wadankaasi ugu caansan , magaaladaas oo lagu magcaabo Tiller oo kamid ah gobolka Oregon ee wadankaasi Maraykanka.

Magaaladan ayaa la siinayaa sida wargeyska Washington Post oo uu qormadan kazoo xigtay wargeyska Dawan lagu daabacay lacag dhan $ 3.8 Million oo Dollar, waana magaalo aan xiligan inteeda badan aan cidi deganayn, iyada oo ku fadhida dhul dhan 225 mile.

Dadkii deganaa magaaladaasi ayaa iskaga hayaamay , kadib markii  uu hoos u dhac weyni ku yimid wax soo saarka magaalada oo ku tiirsanaa  Looxa oo ay soo jari jireen kadibna dib u iibin jireen.

Hadda waxa magaaladan ku nool laba qof oo keliyaata, kuwaas oo kala ah macalin hawl gab noqday  iyo nin Baaderi ah, waxaana iibka magaaladan soo dalbaday maalqabeeno kala duwan ,kuwaas oo qaarkood u dhasheen wadanka Shiinaha.

Sannadkii 2015 kii ayaa lagu dhawaaqay in magalaada La iibinaayo laakiin waxa laysaga daayey iyada oo la lexe jeclaynaayey dugsi taariikhi ah sidoo kalena qadiimi ah oo halkaasi ku yaala, waxaana hadda qaybo kamid ah magaalada iibsaday ganacsato doonaysa inay beero ka samaystaan.

Leave a Reply