Dayuurad Duqeysay Muhaajiriin Soomaali ah oo Saaraa Dooni

0
273

42 qof oo qaxooti Soomaaliyeed ah ayaa la dilay markii diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ay habeen hore  ku weerartay doon ay saarnaayeen xeebaha dalka Yemen.

Dad ka badbaaday weerarka ayaa sheegay inay u socdeen dalka Sudan, ayaga oo ka baxsanyey dagaallada ka socda dalka Yemen.

Wakiilo ka socda ururka socdaalka adduunka ee IOM ayaa sheegay in qiyaastii 80 qaxooti ah la soo badbaadiyey, islamarkaana loo qaaday magaalada Xudeyda.

Mucaaradka Xuutiyiinta Yemen ayaa ku eedeeyey isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo inay fuliyeen weerarka. Isbaheysiga ayaa dhowaanahan duqeymo culus ku waday magaalada Xudeyda, iyaga oo ku eedeeyey mucaaradka shiicada inay hub ka soo geliyaan.

Isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo, islamarkaana Mareykanka uu taageero ayaa duqeymo ka fulinayey dalka Yemen tan iyo sanadii 2015, ayaga oo isku dayaya inay magaalada Sanca ka bixiyaan gacan ku haynta Xuutiyiinta.

Mucaaradka shiicada ayaa weli gacanta ku haya Sanca iyo inta badan waqooyiga Yemen. Illaa iyo iminka dagaalka Yemen ayaa waxaa ku dhintay qiyaastii toban kun oo shacab ah.

 

Leave a Reply