Xujaajta Iiraan oo Gudanaya Xajka Sannadkan kadib Khilaafkii Sucuudiga

0
309

Sacudi Arabiya ayaa sheegatay in ay muwaadiniiinta Iiraan sannadkan ka soo qeybgeli doonaan gudashada waajiabaadka xajka ee Makkah, kadib markii ay sannadkii hore kaga baaqdeen khilaaf ba’anaa oo dhexmarey Riyadh iyo Tehran.

Xidhiidka labada dal oo ah quwadda gobolka ayaa xumaaday kadib markii boqolaal xujaaj ahaa ku dhinten  is jiidh iyo cidhiidhi ka dhacay xajkii sannadkii 2015.

Qodobada ugu waweyn ayaa ha bixinta fiisooyinka  iyo sugida ammaanka.

Haseyeeshee Sucuudiga ayaa sheegaya in heshiis la gaadhay kadib wadahadal dhexmarey labada dal.

Ayatollah Ali Khamenei ayaa ku eedeeyay maamulka Sucuudiga  geerida xujaajtaasi oo ku naf waayay saxmad lagu hoobtay oo ka dhacday dadkii oo is jiidhay markii ay ika hor yimaadeen.

Iiran ayaa arrintaasi ku eedeysay tamar darro maamul.

Tirada ku dhimatay shilkaasi  ayaan weli caddeyn.in the Hajj’s last major rite when the crush occurred two years ago

Saudi Arabia  ayaa ka dhigtay tirade dhimashada 769, halka tirooyinka madaxa bannaan ee dalalkii  qaatey maydadka ay ku sheegeen in ka badan 2,426 xaaji in ay dhinteen.

Iiran ayaa sheegtay inay ku weyday dhacdadaasi  464 muwaadin, waxaana arrinta furaha u ah dib u soo celinta gudashada  xaj sannadeedkii ay ku xidhantay magdhawga qoysaskii ay ka baxeen.

 

Leave a Reply