Maskaxda oo la Ogaadey Inay ka Nolol Dambayso Jidhka Kale Marka Qofku Dhinto

0
274

Daraasad cusub oo dhowaan la sameeyey ayaa lagu sheegay natiijadii kazoo baxday in maskaxda qofku ay ka nolol dambayso qofku marka uu dhinto, waxaanay sidaasi ku sheegeen natiijo kooban oo kazoo baxday daraasadaasi.

Khubarada daraasadan waday oo kazoo jeeday wadanka Canada ayaa sheegay in ay ogaadeen in Maskaxdu muddo 10 minutes ah ka dhimasho dambayso jidhka intiisa kale, iyada oo intaas oo dhan sii noolaata marka uu jidhka intiisa kale dhinto ama naftu ka baxdo.

Qoraal kooban oo ay khubaradani u gudbiyeen wargeyska Telegraph ayay ku sheegeen in ay tijaabo kusameeyeen maskaxda afar qof oo dhintay, kuwaas oo ay ogaadeen in maskaxdu nooshahay  dhimashada dadkaasi  kadib.

Khubaradan oo u badnaa dhakhaatiir ayaa sheegay in aanay ilaa hadda garanayn sababta keentay inay maskaxdu shaqayso dhimashada qofka ka dib 10 minute, sidoo kalena waxay wargeyskaasi oo uu wargeyska Dawan kazoo xigtay qormadan u sheegeen inay isku deyayaan inay ogaadaan sababta.

Daraasado hore oo la sameeyey ayaa lagu sheegay in maskadu ay kamid tahay meelaha ugu horeeya ee dhinta, halka wadnuhu yahay halka ugu dambaynsa ee dhimata jidhka bani’aadmiga, laakiin daraasadan ayaa noqotay mid taasi ka duwan.

Leave a Reply