Deeqsinimadii Rasuulka Allah (scw)

0
364

Abuu Saciid Sacad binu Maalik binu Sinaan Al-Khudri (Rc) wuxuu yidhi: Dad ka mid ah ansaarta ayaa ka baryay  Nebiga (SCW) inuu wax siiyo, waan uu siiyey; haddana way weydiisteen mar labaad waana uusiiyey  ilaa ay ka dhamaadeen wixii uu hayey.

Ka dibna wuxuu yidhi Nabigu (SCW) : “ Hadii aan wax hayo, kama hagaranayo inaan idin siiyo. Ogaadase: Qofkii isdhawraba Allah (sw) ayaa dhawra; qofkii is kaaftoonsiiya Allah waa deeqtoonsiiyaa, qofkii sabrana Allah waa sabarsiiyaa. Qofna lama siin deeq ama galad ka wanaagsan oo ka khayr badan sabirka iyo isu dhiibidda Allah (sw)’.  (Bukhaari iyo Muslim)

 

Leave a Reply